Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo sheegay in weerar qorsheysan ku dileen Taliyihii Buusaar iyo askar Kenyan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxyo xoogan ay la eegteen ciidamada dowladda Kenya ee ka baxay saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo.

Al Shabaab ayaa baahiyay in ciidamada Kenya ay ku weerareen meel u dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kadib markii maalin ka hor ay isaga baxeen saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Buusaar.

Weerar kooban ayaa ka dhacay deegaanka, kadib markii labo qarax lala eegtay ciidamada dowladda Kenya oo marayay meel ku dhow degmada Ceelwaaq, waxaana khasaaro la gaarsiiyay ciidamada Kenya.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in weerarka uu ku bilowday Miinooyin waddooyinka lagu aasay oo lala eegtay ciidamada Kenya ee marayay agagaarka degmada Ceelwaaq.

Al Shabaab ayaa sheegay inay dileen taliyihii ciidamada Jubbaland ee deegaanka Buusaar iyo lix askari oo la socotay, sidoo kale waxay sheegeen inay gubeen gaadiid ay lahaayeen ciidamada Kenya.

Sidoo kale warbaahinta AL Shabaab ayaa baahisay in diyaarado ay daad gureeyay dhaawacyada ciidamada Kenya ee qaraxyada lagula eegtay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidamada Kenya oo ku aadan inay khasaaro kala kulmeen weerarka Al Shabaab ay sheegeen inay la eegteen ciidamadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this