Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran oo Markab dagaal u soo dirtay gacanka cadmeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Tehran (SMN) – Dowladda Iran ayaa Markab nuuca dagaalka ah u soo dirtay gacanka cadmeed, si ay ugu hortagto weeraro kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay ka geysan karaan halkaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidamada badda Iran ayaa sheegay in roondooyin joogto ah uu ku sameyn doono Babel Mandab oo ah marin isku xira gacanka cadmeed iyo badda cas.

Gacanka cadmeed oo ah marin ay maraan Maraakiib badan ayaa waxaa ka jirta cabsi ku aadan in kooxaha Burcadbadeeda ay weerar ku qaadi karaan.

Iran ayaa sheegtay in muddadii ay ku jireen howlaha la dagaalanka Burcadbadeeda somaliya ay ka hortageen weeraro dhowr ah oo ay soo qaadeen kooxahaasi

Ciidanka badda Iran ayaa 2008 bilaabay howlaha ilaalinta biyaha Soomaaliya, xilligaas oo Burcadbadeeda ay qafaasheen markab laga lahaa dalkaasi.

Golaha ammaanka ee QM ayaa hore u ansixiyay qorshe wadamada qaarkood ay howlaha ka dhanka ah Burcadbadeeda ka sameeyen karaan biyaha Soomaaliya.

Inkastoo la wiiqay awoodii Burcad badeeda ayaa waxaa hadana qaar ka mid ururada la dagaalanka kooxahaasi ay ka digeen halistooda oo weli weeraro ku qaada Maraakiibta marta meelo ku dhow biyaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this