Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaaniinta Samatar iyo Cigaal oo soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta M/Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay fanaaniinta Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo ah hormuudka fanka Soomaaliya.

Labada fanaan oo muddo dheer ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa waxaa ay maanta si lama filaan ah u soo gaareen Muqdisho, iyagoo qeyb ka wafdigii madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle.

Imaashaha labadaasi fanaan oo dalka ka maqnaa mudo sodon sano ah ayaa waxaa socdaalkoOda soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale socdaalka Samatar iyo Cigaal ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo fanaaniin Soomaaliyeed ay ku yimaadaan dalka, kadib burburkii Soomaaliya.

Safarka labada fanaan ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinaya fanaanka caanka ah reer Jabuuti Cawaale Aadan oo sanadihii la soo dhaafay ku noolaa waqooyiga Ameerika.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this