Deeq A. Posted March 15, 2019 Muqdisho (SMN)- Howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa iyo ciidamada Milateriga ee Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaal xoogan oo Al-shabaab ay kula galeen deegaanka Baar Sanguuni ee gobalka Jubada Hoose Sarkaal ka tirsan AMISOM ayaa sheegay in iska caabiyeen dagaal ay Al-shabaab ku soo qaadeen fariisin ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni oo ku dhaw magaalada Kismaayo. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab isla markaana ay ku dhaawaceen tiro kale oo intaasi ka badan. Sarkaalka ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale xusay in dagaalka ka dhacay Baar Sanguuni ay ku soo qabteen 9 dagaalyahano oo ka tirsan xarakada Al-shabaab Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ayaa hore u sheegay in ay xoojinayaan howl galada ay kula dagaalamayaan dagaalyahanada Al-shabaab. Deegaanka Baar Sanguuni ayaa waxaa horaantii sannadkan uu dagaal xoogan ku dhex maray ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites