Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa iyo ciidamada Milateriga ee Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaal xoogan oo  Al-shabaab ay kula galeen deegaanka Baar Sanguuni ee gobalka Jubada Hoose

Sarkaal ka tirsan AMISOM ayaa sheegay in iska caabiyeen dagaal ay Al-shabaab ku soo qaadeen fariisin ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni oo ku dhaw magaalada Kismaayo.

Ciidamada dowladda  iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab isla markaana ay ku dhaawaceen tiro kale oo intaasi ka badan.

Sarkaalka ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale xusay in dagaalka ka dhacay Baar Sanguuni ay ku soo qabteen 9 dagaalyahano oo ka tirsan xarakada Al-shabaab

Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ayaa hore u sheegay in ay xoojinayaan howl galada ay kula dagaalamayaan dagaalyahanada Al-shabaab.

Deegaanka Baar Sanguuni ayaa waxaa horaantii sannadkan uu dagaal xoogan ku dhex maray ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this