Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo QM u gudbisay qorshaha doorashada ee 2020-ka (Madaxweyne 2 sano ah oo awood badan)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan 31-kii Janaayo, 2019 ka dhacay Villa Somalia ayaa ayaa dowladda Federaalka looga dalbaday in ay soo gudbiso qorshaha kala guurka 2020-ka, sida ay xubnaha goobjoog ahaa u sheegeen Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda Rosemary DiCarlo ayaa ku boorrisay dowladda inay soo gudbiso habka ugu macquulsan suurta galna ka ah gudaha dalka Soomaaliya ee doorashada loo qaban karo.

Rosemary DiCarlo ayaa ka dalbatay dowladda qorshe labaadka ku xiga haddii aysan macquul ahayn doorashada qof iyo codka ee la filayo 2020-ka, usoo gudbiyaan Golaha Ammaanka QM, si loogu diyaar garoobo maadaama ay suurto gal tahay in ay qabsoomi wayso doorasho qof iyo cod ah. Dowladda Federaalka ah ayaa lagu dhiiri galiyay in la dedejiyo horkeenidda qorshahan miiska Golaha Amniga UN-ka.

Dowladda federaalka oo ka jawaabaysa hadalka Rosemary DiCarlo, ayaa soo jeedisay in aysan qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah, balse ay ka fekertay qorshaha labaad xiga ee kala guurka inuu noqdo hanaankii lagu ansixiyay dastuurka sanaddii 2012-ka, in loo maro xilliga kala guurka. Dowladda ayaa ku doodday in ay sharci noqon karto in ergada 825-ta ay dooran karaa hoggaan cusub muddo labo sanno ah.

Hadaba maxay tahay caqabadaha ka hortaaggan in dowladda qabato doorasho qof iyo cod ah?

Baahida loo qabo dhaqan galinta shuruucda kala guurka ah 2020-ka ee lagu taamayay waxaa harreeyay cawaaqib ka mug weyn baaxadda awoodda dhaqan galin ee Dowladda Federaalka ah ee hadda shaqaysa, waxaana jirta talo soo jeedin dhinacyo badan ee ku saabsan qaabka ugu haboon uu noqon karo marka lagaaro xilliga kala guurka siyaasada 2020-ka.

Taxanaha kala guuryadii siyaasadeed ee lasoo maray, waxaan marag ka ahayn in loo cudur-daaray dowladihii hore gaar ahaan dowladdii tan ka horreysay in aysan fulin hiigsigii loo asteeyay xilliga kala guurka ah ee qabashada doorasho qof iyo cod ah, waxaa kaloo xusid mudan dowladihii lasoo dhisay, 2000, 2004, 2009, 2012, iyo 2016 in lagu dhisay heshiis siyaasadeed ku habboon duruufta waqtiqaas jirtay, waxaa markale dowladda hadda dhisan aysan ka marnayn duruufihii qabsaday maamulladii iyada ka horreeyay, kuwaas oo kala ah, AMNI, SHARCI, DHAQAALE iyo WAQTI.

Waa maxay sharciyadda ay haystaan ergadi 825-ta aheyd ee 2012-kii ansixisay Dastuuska ?

Sharciyadda asalka ah oo ay haystaan dhammaan goleyaasha hadda dhisan waxaa lagu askumay dastuurkii ay ansixiyeen ergadii 825-ta aheyd oo matalaysay dhammaan beelaha Soomaaliyed, Dastuurka KMG ah waa midka kaliya ee loo daliishado dhaqan-galka qorshaha dowladda federaalka iyo xalinta kala aragti-duwanaanshaha siyaasadeed ee yimaada, waxaana cad in dowladda hadda jirta uu marjic u yahay Dastuurka sanadkii 2012-ka ay ansixiyeen 825 ergo, waxaana hubaal ah in marjican ergo 825-ta ah ay haystaan sharciyad ay ku samata bixin karaan mushkiladda Dastuuriga ah ee kala guurka ah 2020-ka.

Ergadan 2012-ki ansixisay Dastuurka waxay sharci u leeyihiin in ay doortaan madaxweyne muddo labo sanno ah, maadaama ay yihiin marjic Dastuuri ah, si dalka loo gaarsiiyo qof iyo cod mudada uu xilka hayo madaxweynaha ay doortaan, waxaana muuqata in laga maarmo bahida loo qabo Golayaasha sharci dejinta ee xilligan jira, si aan loo hakin habsami u socodka howlaha laga dhowrayo madaxweynaha mudada labada sano ee uu xilka hayo.

Madaxweynaha cusub iyo golihiisa wasiirada ayaa buuxin doonna baahida sharci ee timaada inta laga soo dooranayo Baarlamaan si toos loo soo doortay, haddii si kale loo dhigo Xukuumadda Madaxweynaha cusub ayaa dalka u samaynaysa shuruucda xilligaas looga gudbayo marxladda taaggan.

Howlaha ugu horeeya ee uu qabanayo waxaa ugu weyn in dalka loo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah, oo ay wada galaan dhamaan maamulada dalka kajira, doorashada xildhibaannada Federaalka, doorashada, xildhibaannada maamul Goboleedyada, doorashada guddoomiyeyasha Degmo iyo midka Gobollada, si wakiilo sharci ku yimid ee ku hadla afka dadka ay matalaan loo helo.

Gunaanad

Qorshahan kala guurka ah ee lafilayo 2020-ka ee ah in ergadii 825-ta ah ay doortaan madaxweyne laba sanno ah islamarkaan uu soo dhiso xukuumad ka shaqaysa qabashada doorashada qof iyo cod ayaa ah habka ugu sharciyadda badan marka loo eego dhammaan hannaankii kala guuryadii dalka soo maray.

Waxaa xusid mudan in dhaqangalka habkan ka fudud yahay qabashada doorashada qof iyo cod.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this