Sign in to follow this  
Deeq A.

Furitaanka Kalfadhiga Shanaad ee Golaha Shacabka oo dib u dhacay hal arin darteed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida qorshaha uu ahaa waxaa maanta lagu waday in magaalada Muqdisho uu ka furmo Kalfadhiga Shanaad ee golaha shacabka, si xildhibaanada ay u amba qaadaan shaqooyinka horyaala.

Dib u dhac ayaa ku yimid qorshaha dib loogu furi lahaa kulamada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ku maqnaa fasax labo bilooyin ah, tan iyo dhamaadka sanadkii hore.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaana yaa sheegay markii uu soo xirayay kalfadhigii afaraad in 10 Maarso shirkaasi dib u furmo doono, balse maanta ma aysan dhicin.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka oo dalka ka maqan dartii uu u baaqday furitaanka kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka, waxaana la ogeyn goorta uu dalka imaan doono.

Qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in lix maalin kadib la filayo in kalfadhiga dib loo furo, iyadoo qorshaha uu yahay inuu yimaado guddoomiyaha baarlamaanka.

Xubnaha baarlamaanka ayaa maalmo kahor dalbaday in deg deg kulamo ay isugu yimaadaan xubnaha baarlamaanka , kadib kulankii madaxweyne Farrmaao iyo Uhurru Kenyatta oo ka dhacay magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this