Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada K/ Galbeed oo la ansixiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhow meel-mariyay golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Illaa 124 Mudane ayaa soo xaadiray Fadhigan, iyadoona uu goobjoog ahaa Madaxweynaha K/ Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen.

Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xukuumadda cusub, waxaa u codeeyay  123 Mudane, halka uu diiday 1 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlamaanka.

Intaasi kadib golaha wasiirada cusub ayaa la dhaariyay, si ay ugada galaan howlaha shaqo ee loo igmaday.

Ugu dambeyn madaxweyne Lafta-Garen oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa uga mahadceliyay baarlamaanka meel-marinta golihiisa wasiirada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this