Sign in to follow this  
Deeq A.

Kismaayo: shacab loo diiday in ay soo dhaweeyaan Xildhibaan Xidig

Recommended Posts

Deeq A.   
kismaayo-22.gif?w=1000&ssl=1Dadka loo diiday soo dhaweynta

Warar ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ayaa sheegaya in dad shacab ah loo diiidayn in Garoonka diyaarada ku soo ku weeyaan Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Ciidamada Jubbaland ayaa kala eryey dad shacab ah oo ku sugnaa  banaanka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kuwaas oo ka qeyb qaadan lahaa soo dhaweynta Xildhibaan Xidig, oo la sheegay in uu u sharaxan yahay Madaxweynaha Jubbaland.

Masuuliyiinta Jubbaland ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin sababta, Xildhibaan Xidig oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya loogu diiday  soo dhaweynta.

Arrinta ayaa ku soo aadaysa iyadoo xalay Guddiga amniga Jubbaland soo saareen amaro ka dhan ah musharixiinta, kuwaas oo ay kamid ahaayeen inaysan musharaxiiintu sameysan karin ilaalo u gaar ah,isla markaana amnigooda uu damaanad qaadayo maamulka Jubbaland.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qorshuhu yahay in doorasho madaxtinimo ka dhacdo bisha Agoosto ee sanadkan 2019.

PUNTLAND POST

The post Kismaayo: shacab loo diiday in ay soo dhaweeyaan Xildhibaan Xidig appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this