Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada maamul goboleedyada iyo DF oo la shaaciyay inay AMISOM amaanka kala wareegi karaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho  (Caasimada Online) –Taliska ciidamada AMISOM ayaa shaaciyay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ay amaanka kala wareegi karaan ciidamada AMISOM ee kusugan Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007.

Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho una dhaxeeyay taliska AMISOM iyo wasiirka amniga xukuumadda ayaa lagu shaaciyay in ciidamada AMISOM ay muddo ka shaqeynayeen Soomaaliya 12kii sano ee lasoo dhaafay haddana ay wadaan diyaar garowga sidii dalka ay kaga bixi lahaayeen.

Taliyaha AMISOM ahna wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madiera ayaa shaaciyay in ciidamada meletariga Soomaaliya ay gaarayaan 20,000  oo askari islamarkaana ay amaanka la wareegi karaan.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay dhankiisa inuu ka mahad celinayo ciidamada AMISOM dadaalka ay ka wadaan Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda ayuu sheegay in loo tababaro sidii ay amaanka kala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM isaga oo sheegay in hadda tababar ay heleen ciidamada Dowladda Soomaaliy.

Taliska AMISOM ayaa sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ay gaarayaan inka badan 20 kun oo meletari isaga oo ku daray maleeshiyaad beeleedyada la dagaalamaya Alshabaab.

Wuxuu sheegay in dhamaan ciidamadaasi ay diyaar u yihiin inay la wareegaan amaanka dalka.

Caasimadda online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this