Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Pakistan Oo Soo Ridday Diyaarado Laga Leeyahay Dalka Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Dowladda Pakistan ayaa shaacisay inay soo ridday Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka Hindiya, kadib markii ay soo galeen hawada dalkaasi.

Pak-ind-769x405.jpeg

Gen. Asif Ghafoor oo ah afhayeen u hadlay ciidanka Pakistan ayaa sheegay in diyaaradahan ay soo galeen hawada Kashmir, dhanka ay Pakistan maamusho.

Sidoo kale, Afhayeenkan ayaa sheegay in ay diyaaradahan mid ka mid ah ay kusoo dhacday gudaha dalkooda, halka midda kale ay ku dhacday dhanka Hindiya.

Gen. Asif Ghafoor ayaa xaqiijiyey iney nolosha ku hayaan duuliye ka tirsan dalka Hindaya.

Dowladda Hindiya ayaa shalay shaacisay iney duqeysay xarumo ay lahaayeen kooxda Jesh Mohamed oo sheegtay qaraxyo lagu laayay askar ka tirsan dalkaasi.

Xiisadda u dhaxeysa Pakistan iyo Hindiya ayaa noqotay mid cirka isku sii shareertay, iyadoo xaaladda Labadan dal ay meel adag mareyso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this