Sign in to follow this  
Deeq A.

Dilal qorsheysan Oo xalay ka dhacay M/ Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay waqooyiga M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilka koowaad ayaa waxaa loo geystay wiil 12 jir ahaa oo lagu magacaabi jiray Xaaji C/rashiid Faarax, kaas oo uu dilkiisu ka dhacay xaafadda Israac ee magaaladaasi.

Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay wiilkaasi yar, kuwaas oo la sheegayay in ay doonayeen in ay ka qaataan Mobile uu watay sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ah.

Sidoo kale waxaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu dilay nin ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dabley hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen ninkaasi oo uu dhaawac ka soo gaaray, balse markii dambe ku geeriyooday isbitaalka.

Dhacdooyinkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay falal ammaan dari ay ka dhacayeen degmada Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta maamulka Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this