Deeq A. Posted February 26, 2019 Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in caawo halkaaasi lagu dilay, askari ka tirsanaa Booliiska dowladda Puntland oo magaciisa lagu sheegay, Shucayb Cismaan Caluula. Askariga ayaa lagu dilay nawaaxiga isgoyska Gaaca ee bartamaha Boosaaso, waxaana lagu dhex dilay, mid kamid ah gaadiidka dadweynaha qaada oo uu saarnaa, kadib markii qof kursiga ka dambeeya fadhiyay uu madaxa rasaas kala dhacay, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Boosaaso, oo warbaahinta Puntland Post wax ka weydiisay in cid loo qabtay dilka? ayaa sheegay in ay jiraa dad loo qabtay islamarkaana dib ay ka faahfaahin doonaan. Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay, mas’uuliyadda dilka loo geystay askariga, ha’yeeshee kooxaha argagixisada Al-shabaab iyo Daacish ayaa looga bartay falalka noocan oo kale. PUNTLAND POST The post Askari ka tirsan Booliiska Puntland oo Boosaaso lagu dilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites