Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo qoraal cajiib ah ku difaacay Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn u mucaaradsan siyaasadda ay dowladda Soomaaliya ku maamuleyso dalka ayaa ka hadlay Khilaafka la sheegay inuu soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Mahad Salaad oo inta badan mucaaradnimo looga bartay ayaa difaacay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna ku baaqay inaan meel looga dhicin sharafta Ra’isul wasaaraha.

Mahad Salaad ayaa Bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu cinwaan ugu dhigay AFAREY AAN UGU MAGAC DARAY HAKU MASHQUULININA MUDANAHA MAANDHAHEEY!.

Wuxuu sheegay in Mulkiga uu bixiyo Alle isla markasna uu Xasan Cali Kheyre mudan yahay inuu noqdo Madaxweyne, wuxuuna ku baaqay inaan lagu mashquulin.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Mahad Salaad soo dhigay Facebook:

AFAREY AAN UGU MAGAC DARAY HAKU MASHQUULININA MUDANAHA MAANDHAHEEY!

Mudane haya mas’uuliyadii loo igmaday waxa lagu maagayo bal noo sheeg maandhaheey!

Mid gabay mas’uuliyadii loo igmaday macaash uu baxiyay haku maagin mas’uul meelmariyay middii uu lahaa maandhaheey!

Muddo aan la gaarin madasheed adigoo u mindiya sahanaya mudanaha meel ha uga dhicin maandhaheey!

Xilku waa meerto mulkigana Allaa baxshee hadii uu muhdana waa mudanyahee haku MASHQUULININA mudanaha maandhaheey!

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this