Sign in to follow this  
Deeq A.

IGAD Oo xoojineyso taageerada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay urur gobleedka IGAD ayaa ugu horreyntii looga hadlay weeradadii Hoobiyeyaasha ahaa ee dhawan lagu qaaday xarunta Qaramad Midoobay ee magaalada Muqdisho.

IGAD ayaa si kulul u cambaareysay weeraradaasi oo ay sheegtay in ay ka dambeeyeen kooxaha loogu yeero argagixisada, sida lagu yiri qoraalkani.

Sidoo kale IGAD ayaa ballan qaaday in ay xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, si ay ugu guuleysato sugida amniga.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli tododbaadkii hore Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.

The post IGAD Oo xoojineyso taageerada Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this