Deeq A. Posted January 3, 2019 Marka ( Sh. M. Netwotk )-Askari ka tirsanaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta dil uu ka geystay degmada Marka ee gobolka Sh/ Hoose. Dilkaasi ayaa waxaa la sheegay in loo geystay Qof Rayid ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Sida ay dad Goobjoogayaal ah u sheegeen Shabelle dilkan ayaa yimid, kadib markii ay murmeen Askarigaasi iyo Marxuumka la dilay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in uu goobta ka baxsaday Askarigii ka dambeeyay dilkaasi. Inta badan Ciidamada dowladda ayaa waxyeelo xoogan oo isugu jira dil iyo dhaawac u geysta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. The post Askari ka tirsan Ciidanka DFS Oo dil ka geystay M/ Marka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites