Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aankii madaxda DFS Puntland looga mamnuucay oo laga laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Af-hayeenka murashixiinta madaxtinimada Puntland, Aadan Maxamed Ciise(Gaadaale) ayaa ka warbixiyay shir ay saaka guriga Islaan Ciise ee magaalada Garoowe ku yeesheen,qaa kamid ah isimada iyo murashixiinta xilka madaxtinimada Puntland.

Aadan Gaadaale ayaa sheegay in shirka murashixiinta iyo isimada looga hadlay, arrimaha doorashada oo ay kamid yihiin amniga,wada-shaqeynta iyo hufnaanta doorashada,islamarkaana la isku’ waafaqay dhammaan qodobadaasi.

Dhinaca kale suldaan Muuse Koonte oo dhinaca isimada u hadlay ayaa halkaasi ka sheegay in gebi ahaanba laga noqday go’aankii madaxda iyo shaqaalaha  xukuumadda Federaalka looga mamnuucay in ay Puntland soo galaan inta doorashadu socota,kadib markii sidu uu sheegay ay isimadu la kulmeen madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee Puntland.

Shirka ayaa wax aka qeyb galay ilaa 30 murashax oo u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland iyo qaar kamid ah isimada oo uu hoggaaminayo Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse.

PUNTLAND POST

The post Go’aankii madaxda DFS Puntland looga mamnuucay oo laga laabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this