Deeq A. Posted January 2, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa ku warramaya in labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen Suuqa Xoolaha Xirga-Dheere ee degmadaasi. Labada Askari oo ka kala tirsanaa talisyada Booliska iyo Malitariga ayaa la sheegay in ay is dhaawaceen, loona qaaday Isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho, kadib uu dhaawac ahaan u dhintay mid ka mid ah Askartaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in waxyar kadib Askar kale oo ka caraysneyd falkaasi ay xoog ku galeen gudaha Isbitaalka, kadibna ay dhex dileen Askarigii kale. Illaa iyo hadda lama oga waxa keenay in ay dagaalamaaan Askartaasi, iyadoona xiisad ka dhalatay arrintani ay ka taagan tahay degmada Kaaraan ee G/ Banaadir. Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhacee. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-keesaney.mp3 The post Askari dhaawac ahaa Oo lagu dhex dilay Isbitaalka Keysaney appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites