Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda amniga DF oo war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday xarunta QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay hoobiyeyaal kooxda Al-Shabaab ay shalay ku weerartay xarunta Xalane ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa QM ay sheegtay in lab aka mid ah shaqaalaheeda ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Wasaaradda Amnigu waxay cambaaraynaysaa falkii foosha xumaa ee ururadda argagixisadu hoobiyayaal ugu soo tuureen Xarunta Xalane. Waxay aad uga xuntahay in weerarkaas ay ku burbureen hanti, waxyeelona ka soo gaartay shaqaalahii joogay xarunta Qaramada Midoobay. Waxay caafimaad u rajaynaysaa dhamaan dadkii ku waxyeelobay dhacdadaa.

“Waxay dabagal iyo baaris ku haysaa dadkii geystay falka. Waxay la socodsiinaysaa shacabka Soomaliyeed in ay gacan ku soo dhigi doonto dhamaan cidi ka dambaysay falkaa foosha xun, lana wadaagi doonto natiijada barista” ayaa qoraalka uu intaas ku daray.

Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda amniga Soomaaliya.

War-MoIS-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this