Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadda La Dagaalanka Argagixisada Ingiriiska Oo Badhitaan Ku Sameeyay Qoysas Soomaali Ah .+SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa magaalladad London ayaa qoray inay Saraakiil ka tirsan Boliska La-dagaalanka Argagixisdda ay baaritaan ku sameeyeen Dhismo ay deggan yihiin Qoys Soomaali ah oo ku yaalla magaalladda Manchester.

D09A9120-6E29-45DC-A06E-8A311B5B8E26.jpe B7494804-1ACA-449C-9E7C-3501BC9B51A0.jpe

Saraakiisha oo la hadlay dadka deriska la ah qoyska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay rumeysan yihiin yihiin inay Qoys Soomaali ah deggan yihiin.

Dadka deriska waxay kaloo sheegeen inay Qoyskaasi leeyihiin 4 ilaa 5 carruur ah, kuwaasi oo ku-dhawaad 12-sanno degganaa dalka Britain, iyagoo horey uga soo guuray dalka Holland.

E31CC711-6448-4040-838E-695B2C608FE6.jpe

NOUSHA BABAAKACHEL oo deris la ah Guriga ay Ciiddanka baareen ayaa u sheegtay Wargeyska Daily Mail inay Qoyska Soomaalida la nool yihiin gabar iyo 2 Wiil oo ay dhaleen, mid uu dhigto Jaamacadda, halka midka kalena uu ka shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha ee Manchester.

Waxay intaasi ku dartay in Wiilka ugu yaraa qoyskaasi uu dib ugu laabtay Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Boliska Manchester weli ma aysan shaacinin sababaha loo beegsaday Qoyskaasi, balse waxa uu hawlgalkaasi ku soo beegmay, iyadoo ay Boliska Manchester sheegeen inay gacanta ku dhigeen qabteen Nin 25-jir ah, kaasi oo 3 qof dhaawacay habeenkii loo dabaal degayey sannadka cusub ee tirsiga Miilaadiyadda ee 2019-ka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this