Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashadii Maamulka Puntland Oo Lix Casho Ka Hadhsantahay.+Caqabadaha Ku Geedaaman Soo Laabashada Cabdiwali Gaas.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Garoowe) Muddo lix casho ah ayaa ka hadhsan doorashadii madaxweynaha maamulka goboleedka Dalkaasi Soomaliya ee Puntland oo dhawaan ka dhaceyso magaalada Garowe ee caasimada maamulkaasi.

EC5FB08C-416A-47E4-9900-5D90074D8E0F.jpe

Dadka falanqeeya siyaasadda doorashada ayaa sheegaya inay jiraan caqabado keeni kara in madaxweyne Gaas uusan markale kusoo laaban xukunta deegaanada maamulka Puntland oo muddo shan sano ah maamulayay.

Waxyaabaha la isleeyahay waxay dib u dhigeen rajooyinka dib usoo laabashada madaxweyne Gaas waxaa kamid ah:-

In xildhibaanada baarlamaanka ee lasoo xulay dhamaantood yihiin kuwo cusub oo doonaya in isbadal dhaco, taasi waxay noqon karta caqabada koowaad ee C/Welli Gaas, laakiin waxaa xusid mudan in isaga uu keenay inta badan xildhibaanada.

Arinta Labaad ayaa lagu sheegaa inay tahay xumeynta xidhiidhka ka dhaxeeyay dowladda Soomaaliya oo hor istaagay mashaariic badan iyo dhaqaalo la doonayay in lagu maalgeliyo deegaanada Puntland, sida dhawaan uu sheegay C/raxmaan Faroole.

Arinta seddexaad ayaa lagu sheegaa inay tahay fulin la’aanta balanqaadyo badan oo uu u sameeyay madaxda odayaasha dhaqanka ee Puntland, waxaana kamid ah dib u qabashada deegaanada ka maqan gacanta Puntland.

Xumaanshaha xiriirkii kala haxeeyay Isimadda dhaqanka Beesha Sool clan oo meesha ka baxay ayaa la sheegayaa inay tahay dhabarjab kale oo C/Welli Gaas kasoo wajihi kara doorashada Puntland.

Laakiin waxaa jiro fursado uu ku guuleysan karo oo ay ugu horeyso saameyntii uu ku lahaa soo xulista xildhibaaada baarlamaanka iyo dhismayaashii uu isaga dhagax dhigay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this