Deeq A. Posted December 30, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaaka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhawaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho koobka dalalka bariga Africa. Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in qorshahani ay ka war qabaan madaxda dalka, horaanta sanadka cusubna, Soomaaliya ay isku diyaarin doonto qabashada Tartankaasi. Sidoo kale wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa tilmaamtay in tallaabadani ay tahay guul u soo hoyatay bahweynta Isboortiga iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-mutawakil.mp3 The post Soomaaliya Oo marti galineyso Koobka dalalka Bariga Africa appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites