Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ay baaritaano ku heeyso qareeno qaato laaluush

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in ay baaritaano ku hayaan qareeno la sheegay in qaataan laaluush.

Baashe Yuusuf oo ka hadlayay munaasabad lagu dhaarinayay qareeno ayaa uga digay qareenadaasi in ay musuq maasuqaan danaha dalka.

“Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isbdal ku sameeyay qareenada isaga oo shaqada ka joojiyay qareeno kuwo kalena soo magacaabay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho 

The post Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ay baaritaano ku heeyso qareeno qaato laaluush appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this