Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo la wareegay deegaan ka tirsan G/ Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada K/ Galbeed, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab.

Waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Goof Gaduud Buurey ee gobolkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al Shabaab ay u suura gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaankaasi.

Warar Al Shabaab ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay dagaal kula wareegeen guud ahaan deegaanka Goof Gaduud Buurey oo qiyaas ahaan 30 KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Al Shabaab ayaa sidoo kale intaasi raaciyay in ay dagaalkaasi ay ku dileen illaa 10 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Koonfur Galbeed, sida ay hadalka u dhigeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Saraakiisha Ciidanka mamaulka K/ Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

The post Al Shabaab Oo la wareegay deegaan ka tirsan G/ Baay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this