Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed Oo gaaray Xudur

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Madaxweyne Lafta Gareen waxaa socdaalkan ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay halkaasi.

U jeedka socdaalka Madaxweynaha K/ Galbeed ayaa la sheegay in uu la xariiro u kuur galida xaaladaha ammaan iyo tan nololeed degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Waxaana uu inta uu ku sugan yahay Xudur kulamo uu la qaadan doonaa qeybaha bulshada iyo maamulka magaaladaasi.

Waa socdaalkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha cusub maamulka K/ Galbeed uu kaga ambabaxo Baydhabo, tan iyo markii lagu doortay magaaladaasi.

The post Madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed Oo gaaray Xudur appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this