Sign in to follow this  
Deeq A.

Eritrea Oo 20 Sannadood Ka Dib Safiir U Soo Magacowdey Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha dalka Itoobiya Mss Sahle-Work Zewde ayaa maanta qaabishay safiir ay dawlada Eritrea u soo magacawday safaarada ay 20 sanadood ka dib ka furatay magaalada Addis Ababa.

Safiirka dalka Eritrea u fadhiyi doona dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Semere Russom ayaa hore uga soo shaqeeyey wadamada Maraykanka Iyo Canada oo uu safiir uga ahaa dalkiisa.

Magacaabida safiirkan cusub ee Eritrea u soo dirtay Itoobiya ayaa ka dambaysay ka dib markii ay hogaamiyeyaasha labada wadan ay bishii July ee sanadkan sii dhamaanaya ku gaadheen Asmara, heshiiskaas oo ahaa mid nabadeed isla markaana dib loogu soo celiyey xidhiidhkii u dhaxeeyey labada dal.

Dhinaca kale dawlada Itoobiya ayaa hore safiirkeeda Eritrea u magacawday Redwan Hussein.

Sidoo kale wadamada Somalia , Egypt , Tunisia iyo Thailand ayaa hore safiiro cusub ugu soo magacaabay dalka Itoobiya, kuwaas oo lagu qaabilay xarunta madaxtooyada ee dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this