Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo iyo dagaal toos ah Oo ka dhacay deegaanka Lafoole

Recommended Posts

Deeq A.   

Lafoole ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxayA weerar ku bilowday qaraxyo oo Al Shabaab ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Xaawo Cabdi oo ka tirsan deegaankaasi.

Waxaana la sheegay in weerarka kadib dagaal toos ah labada dhinac uu ku dhexmary halkaasi.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in khasaare uu ka soo gaaray  weerarkaasi Ciidanka AMISOM, inkastoo aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Welina ma jiro wax hadal oo Al Shabaab iyo AMISOM ay ka soo saareen weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Dagaalyahahannada Al Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro gaadma ah ku qaada Ciidamada dowladda kuwa AMISOM, xilliyada ay ku socdaalayaan halkaasi.

The post Qaraxyo iyo dagaal toos ah Oo ka dhacay deegaanka Lafoole appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this