Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo la wareegay deegaan ku yaalla Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadale ( Sh. M. Network )-War Ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada maamulka HirShabelle ay kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Muluq oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in weerar xoogan saaka aroortii hore ay ku qaadeen fariisin Ciidamadaasi ay ku lahayeen halkaasi.

Sidoo kalena ay ku dileen illee 3 Askari, kuna  dhaawaceen tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka HirShabelle oo ku aadan warkaasi.

Al Shabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ee maamulkaasi.

The post Al Shabaab Oo la wareegay deegaan ku yaalla Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this