Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo shaacisay xog cusub oo kusoo korotay haweeneydii bil kahor la afduubtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda ayaa shaacisay xogo dheeraad ah oo la xiriira halka ay ku dambeysay haweeneydii Al Shabaab looga shakisan yahay inay ka afduubatay gudaha dalkaasi.

Haweeneyda u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa bil ka hor laga Afduubtay gobolka Lamu ee dalka Kenya, waxaana la shaaciyay in iminka lagu hayo gudaha dalka Kenya, sida warbixin cusub oo la shaaciyay lagu sheegay.

Saraakiisha ciidamada amaanka ayaa sheegay inay heleen macluumaad macquul  ah oo la xiriira in haweeneyda ay nooshahay wali, islamarkaana lagu hayo gudaha dalka Kenya.

Waxaa muuqata inay been noqoneysa wararka marka hore saraakiisha amaanka ay soo saareen oo ahaa in haweeneyda lala aaday Gaarisa kadibna la geeyay gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa afduubta haweeneydaan u xirtay 100 ruux, waxaana shan kamid ah laga helay macluumaad dheeri ah oo la xiriira in haweeneyda nooshahay walina lagu hayo gudaha dalka kenya.

Dadka loo xiray haweeneydaan afduubkeeda ayaa waxaa kamid ah Soomaali, waxaana la sheegay inay baaritaano amaan ku socdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this