Sign in to follow this  
Deeq A.

Taageerid Go’aanka Madaxweyne Biixi!..W/Q Cabdirisaaq Terra

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan arkay Somaliland oo Tvyadii kusoo rogtay lacago fooqal-caqli ah, oo waxaan daawaday Madaxdii Tvyada oo la ilmaynaya lacagaha lagu soo rogay.

61F3F477-436D-4F67-A1C6-36C888419E4D.png

Waxaan leeyahay Bixiya lacagaha, saw ma tihidin kuwii Madaxtooyada Somaliland iyo tan Jabuuti’ba ka yeelay inaydaan Barnaamijka Baadi-goob baahin Karin, saw ma tihidin kuwii xuriyada hadalka lacagta siistay, saaxiibayaal saw ma tihidin kuwii shaqaysan jiray ee aan Bulshadooda u shaqayn jirin, waryaadheheen saw ma tihidin kuwii masaakiinta weriyeyaasha ahi bilaa mushaharka ku

khasbi jiray inay ugu shaqeeyaan ee dhihi jiray caan inaad noqotaan iyo inaad lacag heshaan iskuma helaysaan.
Bixiya lacagtii aad shacabka siisateen Muuse Biixi waa u baahan yahay, dalkuna xaalad dhaqaalo daro ayuu galayaa riwaayada inaga daaya oo bixiya lacagta.
Hal Xaysiis ayaad $5000 ku qaadataan, dawladuna sannadkii ayay guno yar oo dollar ah adinka rabtaa, bixiya oo bixiya.
Maxaad kaga duwan tihiin Baayac-mushtarka kale ee la cashuurayo?
Waan hambalyeynayaa go’aankan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this