Sign in to follow this  
Deeq A.

Burundi Oo laga dalbaday in ay dhinto Ciidankeeda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Ururka Midowga Africa ayaa ka dalbada Burundi in ay dhinto 1000 Askari oo ka mid ah Ciidankeeda ka tirsan AMISOM ee Soomaaliya.

Midowga Africa ayaa codsigani u diray dowladda Burundi,kana dalbaday in qorshahani ay fuliso ka hor 28 bisha Feberaayo ee sanadka 2019-ka.

Qoraalka loo gudbiyay dowladda Burundi oo ku aadan in qaar ka mid ah Ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ka soo baxay kulan 30-kii bishii November ee sanadkan mas’uuliyiinta howlgalka AMISOM  ay ku yeesheen magalaada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Dalka Burundi ayaa ka mida dalalka Ciidamada ugu deeqay Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM oo gacan ka siiya DFS dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Golaha Amaanka ee QM ayaa soo saaray sanadkii hore qaraar lagu dhimayo Ciidamada AMISOM, islamarkaana amniga dalka loogu wareejinayo Ciidamada Soomaaliya.

The post Burundi Oo laga dalbaday in ay dhinto Ciidankeeda Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this