Sign in to follow this  
Deeq A.

 Saraakiil dembiyo Culculus ka galay gobolka Soomaalida Itoobiya oo la baadigoobayo oo Baasaboor Soomaali ku baxsaday & Xogo kale oo xasaasiya

Recommended Posts

Deeq A.   
 Saraakiil dembiyo Culculus ka galay gobolka Soomaalida Itoobiya oo la baadigoobayo oo Baasaboor Soomaali ku baxsaday & Xogo kale oo xasaasiya
 koofi.jpg

In ka badan 50 sarkaal oo ka tirsanaa maamulkii la riday ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa Muqdisho uga dhoofay baasaboorro Soomaali ah, oo uu u sameeyay taliyaha waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi.

Saraakiishan baxsadka ah ayaa ku wajahan dalka Turkiga, si ay ugu tahriibaan dalalka Yurubta bari, iyaga oo ka walwal qaba in ay gacanta u galaan maamulka xusub ee Kilinka oo ku daba jooga siyaasiyiintii ku dhowaa madaxweynihii hore. 

Qorshahan lagu daabulayo saraakiisha dembiyada ka soo galay Ogadeeniya oo ay lacag badan ku baxeyso ayaa waxaa si wada jir ah u fulinaya taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha gaashaanle dhexe Maxamed Aaden Koofi oo qaabilsan inuu baasaboorro degdeg ah oo isugu jira nooca shaqaalaha (Service) iyo nooca shacabkaba u soo saaro, halka mulkiilaha Telefeshinka Universal TV Axmed Abuubakar uu qaalbilsan yahay xidhiidhka saraakiishan iyo sidii ay Muqdisho ku soo gaadhi lahaayeen.

Axmed Abuubakar ayey aad isugu dhowaayeen madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley, oo uu dhinaca warbaahinta kala talin jiray, waxaana la sheegay inuu yahay ninka isku xidhay Koofi iyo saraakiisha baxsadka ah.

Cabdi Iley ayaa iminka lagu maxkamadeynayaa dalka Itoobiya, waxaana sidoo kale arrintaas oo kala wajahaya xubno badan oo isaga ku dhowaa oo la haysto dambiyo ay ka galeen shacabka gobolka Soomaalida.

Warbaahintae ayaa ogaatay in saraakiishan la soo marsiiyo dalka Jabuuti, kadibna laga soo dajiyo Garoonka Muqdisho.

Saraakiishan oo ay baadi goobayaan sirdoonka Itoobiya iyo kan Soomaaliya ayaa qaar kamid ah xilligan waxa ay ku sugan yihiin guri weyn oo looga kireeyey Waqooyiga magaalada Muqdisho .

Baasaboorada service-ka ah ee loo sameeyo saraakiishan ayaa lagaga iibiyaa lacag kumanaan dollar ah, waxaana sida ay dad xog ogaal ahi u sheegeen warbaahinta ka hodmay Koofi.

Madaxda sare ee Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaysan waxba kala socon arrintan, oo ay ku gaar tahay Taliyaha Sirdoonak Somalia Koofi.

 

Sponsored by Revcontent

Up Next

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this