Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynuhu wuxuu yidhi waa in madaxda iyo cid waliba dalka dibadiisa aanay caafimaad u tegin ee ay dalka isku dawayso. Ma garanayo in madaxweynaha ay mooganaan ka tahay iyo inuu

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynuhu wuxuu yidhi waa in madaxda iyo cid waliba dalka dibadiisa aanay caafimaad u tegin ee ay dalka isku dawayso. Ma garanayo in madaxweynaha ay mooganaan ka tahay iyo inuu indha-sarcaad dadka u dhigayo waayo waxaa jira (Xeer LM. 62/2013) Xeerka Hab-Maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Xubnaha Wakiilada & Guurtida oo ay Golaha Wakiiladu ansixiyeen 2013 dhigayana in Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo xubnaha Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida marka ay xanuunsadaan ee dalka waxba lagaga qaban kari waayo loo qaado dalka dabadiisa oo kharashkana dowladu bixiso (eeg Qodobka 7aad & 12aad). Haddii ay ka dhab tahay Madaxweyne Muse Bihi Abdi dib ha ugu celiyo xeerkan Golaha Wakiilada si looga saaro qodobkaa oo dadku wax u wada qabaan. Suuragal ma aha in la helo goobo caafimaad oo tayo leh dowladuna maamusho inta madaxda dalka ee miisaaniyada qorsheeyaa uu xeer u qeexayo in dabada lagu soo daaweeyo dowladuna ka bixinaynyo kharashka. Dadkii dalka maamulayey ummada wax hala qabaan oo yaan loo ogolaan daryeel caafimaad oo debada ah dowladuna ku bixiso.

Abdillaahi Hussein

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this