Sign in to follow this  
Deeq A.

Taxanaha Berberi ma Hiil bay u baahan tahay Mise Hambalyo (Berberi laga soo bilaabo 2012 kii waa intuu Maayar Cabdishakuur Cidin haystaye waxay noqotay meel Haad iyo Haraawaba u jabtay)..Qormadii 2aad

Recommended Posts

Deeq A.   
 BERBERI MA HIIL BAY U BAAHANTAHAY MISE HAMBALYO.?
(Qaybtii 2aad
‘……………….
 Magaalada Berberi intii ka horeysay 2012kii Waxay ahayd meesha kaliya ee ka badbaaday ama ka bed qabtay Aafada Boobka dhulka, waxay ahayd Magaalada kaliya ee hadaad u doonato dhul aad degtid oo aad shuruudaha buuxisid, aad ka helaysay meel aad guri ka dhisatid oo aad degtid, iyadoo waliba dawlada hoose ku siinaysa dhulkaas, oo aanu qofkaa iibinayn sida Magaalooyinka kale ee Somaliland gaar ahaan Hargeisa iyo Burco ama Boorama.
Waxayse iswaydiintu tahay Berberi miyaanay Somaliland uun ahayn maxaa iyada gooni ka dhigay ee ay sida magaalooyinka kale u noqon wayday?
Jawaabtu Waxay tahay “Haa” Berberi waa Somaliland Lkn Waxay dheerayd magaalooyinka dhigeeda ah Nasiib wanaag xaga Maamulka ah, Oo waxaa soo maray Maayaro, Lexejeclo ka lahaa oo ay ka go’nayd ilaalinta Iyo gacan ku haynta dhulka ee aanay marna u cuntamayn inay Berbera xaraashaan oo gadaan sida Maamulkan iyo Maayarkan hada jooga.
Berberi laga soo bilaabo 2012 kii Waxay wajahday jaahwareer, Qaylo isqabsi iyo isbarbar yaac uu Damac aduun, Damiir Xumo, Damqasho la’aan iyo aqoon Daciifi Hagayso. Berberi laga soo bilaabo 2012 kii waa intuu Maayar Cabdishakuur Cidin haystaye waxay noqotay meel Haad iyo Haraawaba u jabtay, Meel suuqa kala gadashada Taala oo qof waliba helaayo hayntiisa Maaliyadeed, Oo dhul ah, Berberi waa meesha kaliya ee qof qudhi leeyahay 50 Baloog oo dhul ah, taas oo aanu ka dhaxlin adawgii ama aanu ahayn dhulkaasi beer ay lahaayeen oo magaaladu gaadhay sida Magaalooyinka kale ka dhacda, balse uu dhulkaasi yahay Hantidii reer Somaliland oo uu ku gatay ama boobay qiimo jaban oo jeebka maayarka iyo shakhsiyaad ah ku dhacday.
Berberi waa meesha kaliya ee Dhulkeedii Mudo Sanad ilaa  Sadex sano guduhood ah uu Gadmay, Oo uu galay gacan shicib isagoo ka baxay gacantii dhexda ahayd ee dawlada, sababo dhaqaale raadin ah awgood. Iyadoo aanay jirin Daah furnaan iyo xisaab lagu qanci karo oo lasoo bandhigay iyadoo la leeyahay Sanadkan dhaqaalahaas ayaa dhulkii la iibiyey kasoo xaroodoo waxaas iyo waxaas baanu ku qabanaynaa ama ku qabanay. Berberi waa meesha kaliya ee aanad hada ka helayn NUS BALOODH aad dhisato ilaa aad magaalada ka baxdid 30km oo koonfur ah iyo 25km oo galbeed ah mooyaane, Haddaad Iib ku doontana ma jari kartid oo waa qaali sababtoo ah dadkani waxay dhulka u boobeen inay sife Ganacsi ahaana ahaana uga faaidaan, si ay dhaqaale degdeg ah uga dheefaan.
Berbera waxaa isku kaashaday oo isu gaashaan buuraystay Maamul ay ku idil yahiin dhamaan astaamaha lagu yaqaano, Hogaanka Xun, sida Aqoon la’aan, aragti gaabni, Axmaqnimo, Hororsi, Hambayn la’aan iyo Hanti urursi Badheedh ah. Mudo xileedkii uu Maayar Cidin Berbera haystay, Dhibka, Mustaqbal la’aanta, boobka iyo Musuqmaasuqa ku habsaday wuxuu meesha ka saaray dhamaan Rajadii iyo Yididiiladii Soo ifaysay ee layslahaa Berbera waxaa usoo laabanaaya magacii iyo Sharaftii ay lahaan jirtay qarmiyadii lasoo dhaafay, waayo Magaaladii Berberi maanta ma laha meel ay ku fido, Berberi waa Seesas iyo jagooyin loo haysto in lagu ganacsado oo dhaqaale laga helo. Hadii in uun maamul xun oo Macangag ah la sheego, hadii in uun dabaalnimo iyo Damiir la’aan la arkay intuba Magaalada Berbera ayay isu Bahaysteen.
Akhriste Wali waxaan ogahay inay kaa dhimaan yahiin Su’aalo aad jawaabahooda sugaysay, Lkn Maanta aan halkaa ku nasanno, Hana Caajisin Maqaalka kan xiga ayaan kuugu hayaa oo kaaga haqab tirayaa inta kale ee.
W/Q. EngAhmed Haji M. Mohamed
Lasoco qaybaha dambe

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this