Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Howlaha Guud Oo Isku Casilay Sababo Ay Ku Jiraan Faraggelinta Dowladda Ee Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyenta xukuumadda federaalka ah Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa maanta is-casilay isaga oo u sababeeyey faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso maamulka uu ka soo-jeedo ee koonfur galbeed.

Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo saxaafadda u akhriyey sababaha ayaa ku sheegay:

1. Faragelinta Koonfur galbeed iyo guud ahaan maamullada kale uu sheegay ineysan jirin meel looga gaaray go’aan wadajir ah.

2. Xariga Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow iyo ka reebidiisa tartanka doorashada ayaa ah sabab kale uu sheegay inuu isku casilay wasiirka howlaga guud.

2. La-tashi la’aanta dadka metala koonfur galbeed ee ku jira golaha wasiirada iyo baarlamaanka federaalka ah.

Cabdifitaax Ibraahim Geesey, waa wasiirkii 3aad ee wasaaraddan muddo 2 sano ah, waana wasiirkii ugu horeeyey ee isku casila faragelin ay dowladda ku sameysay deegaan ka mid ah Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this