Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayo dejinta qorshe hawleedka 2019-ka ee qayb kamid ah hay’adaha dawladda oo Garoowe ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir muddo labo maalmood ah socondoona isla markaasina looga hadlayo soo bandhigista qorshe hawleedka dhammaan hay’adaha dawladda ee ka faaiideysanaya Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP ayaa ka furmay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan hay’adaha dawladda ee ka faaiidaysanaya Mashruuca CIP iyadoo Hay’ad walba ay soo diyaarsatay qabyo qoraalkeedii koowaad ee qorshe hawleedkeeda ku aaddan sannadkaan cusub ee 2019-ka.

Intaa kadib waxaa Iyana goobta joogey xubno ka socda xiriirka Mashruuca ee PCU kuwaas oo kala shaqaynayay dhammaan hay’adaha dawladda falanqaynta iyo dhammaystirka qabyo qoraalka labaad oo ladoonayo in lasoo gunaanado si loo ansixiyo qorshe hawleed mid ah oo ay kujirto hay’ad walba iyo baahideeda.

DSC_0005.jpg?resize=600%2C401&ssl=1 DSC_0006.jpg?resize=600%2C401&ssl=1 DSC_0007.jpg?resize=600%2C401&ssl=1 DSC_0008.jpg?resize=600%2C401&ssl=1 DSC_0011.jpg?resize=600%2C401&ssl=1 DSC_0014.jpg?resize=600%2C401&ssl=1 DSC_0015.jpg?resize=600%2C401&ssl=1 DSC_0016.jpg?resize=600%2C401&ssl=1 DSC_0017.jpg?resize=600%2C401&ssl=1 DSC_0020.jpg?resize=600%2C401&ssl=1 DSC_0021.jpg?resize=600%2C401&ssl=1 DSC_0025.jpg?resize=600%2C401&ssl=1 DSC_0029.jpg?resize=600%2C400&ssl=1 DSC_0035.jpg?resize=600%2C400&ssl=1

 

The post Shir looga hadlayo dejinta qorshe hawleedka 2019-ka ee qayb kamid ah hay’adaha dawladda oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this