Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan Oo dil ka geystay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa ku warramaya in  saacadihii la soo dhaafay kooxo hubeysan ay dil ka geysteen deegaanka Budbud ee gobolkaasi.

Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Marxuum Macalin Xasan Maxamed Warsame oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dilkan uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Dableydii ka dambeysay dilkan ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen.

Mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Mudug oo ku aadan dilkaasi.

Muddooyinkii dambe xaaladda ammaan ee Mudug ayaa aheyd mid dagan, iyadoona Ciidamada Galmudug ay howlgallo ka adeen gudaha gobolkaasi.

The post Kooxo hubeysan Oo dil ka geystay gobolka Mudug appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this