Sign in to follow this  
Deeq A.

Taariikhda Degmada Sheekh Iyo Deegaan-Xaafadeedka Dariiqada Ee Cajiibka Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Sheikh Waa Magaalo Qadiimiya Oo Aad U Fac Weyn’ Taariikho Guunina Ay Ku Duugan yihiin’ Waana Magaalo Leh’ Hawo Aad U Fiican Kuna Taalaa Dhul Aad U Sareeya, “ HighLands” Oo leh Hawo Qabow,

Magaalada Lagu Magacaabi Jirey “Fardowsa” Waxay Ahayd Magaalo Asaasantay Ama Unkantay’ Wakhtigii Fiditaanka Diinta Islaamka, Waxaa Goobtii Magaalada Fardowsai Ku Taalay Wakhtigan Ku yaala Ku dhawaad 6000-Xabaalo ah’ Waxaanay Isku Hayaan Dhinaca Xabaaluhu’ Lamana Garanayo Cid ku Aasan Xabaalahani.
Baadhitaano Ay Sameeyeen Taariikh-yahano Giriik ahi’ “Greece 🇬🇷” Waxay Sheegeen Ku dhawaad 1000-Sanadood In Goobtaasi La Degenaa’ Khubaro Kale Oo Dhawaan Baadhitaano Goobtan Ka Sameeyey Ayaa Sheegay In Magaaladani Qarnigii 16aad’ Ay Magaalo Ahayd Oo La Degenaa.

Magaca “Sheekh” Waxaa Laysku Waafaqsan yahay Inuu Ka Yimid Sheekh Qudub “Khutub” Oo Ah Sheekh Qudbigiisu Magaalada Ka Dhisan Yahay Oo Aan Se La Garanayn Taariikhda Qudbigan Loo Dhisay Sheekha’ Se Culimada Baadhitaanka Sameeyey Ay Sheegeen In Ku Dhawaad 800- Oo Sano Ka Hor La Dhisay Qudbigan’ Sidaas Ayaanu Magaca Sheekh Ugu Baxay.

•— Taariikhda Dariiqadu Waxay Ahayd Bilowga Magaalada Sheekh”

Qarnigii 19aad Ayaa Waxaa Soo Degay Sheekh Sayid Adam Magaalada Sheekh Oo Halkaa Ka Asaasay Dugsi Quraanka Lagu Barto.

Sanadkii 1888-Kii Ayaa Waxay Koox Sahani Soo Mareen Agaagarka Meesha Loo Yaqaan “ Guriga Dariiqada” Oo ahayd Bilowgii Magaalada Sheekh, Nin Kamida Kooxdaasi Ayaa Waxa Uu Qoray Qoraalkani waxaanu Yidhi Sidan: “Waxaanu Soo Marnay Goob Soo Jiidasho Leh’ Oo Gidaar weyn Oo Dhagaxi Ku Wareegsan Yahay Oo Qurux badan Waxaana Ka Muuqday Dhisme Weyn Oo Masaajid Noola Muuqday Waxaananu Damacnay Inaanu Gudaha U Galno’ Se Waa Naloo Diiday Inaanu Galno Waxaana Si Wanaagsan Naloogu Sheegay Inaan Goobtan Loo Ogolayn Inaan Qof Aan Muslim ahayni Gudaha U Soo Geli Karo Oo Aan Loo Ogalayn Qofaan Muslim ahayn”
Waxaa Se La deganaa Ilaa Bilowgii Qarnigii 19aad, Waxaanu Sheekh Aadam Sameeyey Oo Ka Horaysay Deegaanka “Xaaxi” Oo U Dhaw Magaalada Ood-wayne.

Wakhtigan degmada Sheekh Way Kortay Oo Kobocday Waxaanay Noqotay Deegaan Weyn, Waxaanay Degmada Qaadatay 1972-dii
Qiyaas ahaan Dadka “Population” Ku Nooli Waa 10,000- Oo Qof.

Hadaba Xaafadan Dariiqada Lagu magacaabo Waxaa Ku dhaqan oo ku Dhisan Dhammaan Qabiil kasta Oo Soomaaliya Dega waana Makaanka iyo Meesha Qudha ee laga Wada Helayo Guud ahaan Faraha-Qabiil Ee Soamaalida Ka Farcama Haan-kasta iyo Sidoo Kale Dad Aan Faraca Somali gelin Oo Isku Jira, Guud Ahaan Ilaa Qarniyadaa Fog, Waxay ahaayeen Dad Isku Duuban Oo Hal-Xubina.
Waa Dad Unug keliya Ah Waxayna Goobtan Deganaaayeen Muddo Dheer, Waana Meesha keliya ee deegaanada Somalida Aan laga aqoon “Qoloma Ayaad tahay/ Qabiilkee Tahay” waa dad Ah’ Hal Xubin Oo Xalan Kana Xora Is bahaysiga Halakeeyey ee Hagaasiyey’ Isla markaana Hoos U dhigay Ummadeena Somalida, Waa Mujtamac dadka kale Iska xigtaystay, iyaga oo Aan Xidhiidh qabiil Ka dhaxayn, Sidoo kale Waa Dad Wax-wada Qaybsada, Waxna-wada Qabsada Walaaltinimo Waarsan iyo Weji-Wanaagsan waa dad isku qaabila Waana Dad isku miciina Oo Maxhaystada iyo Maalqabeebkoodu Isku Quud-dheefsanayaan’ Waa silsilad Bulsho Oo Isku Uur-samaan iyo Is Jacayl ku Badhaadhay, Waxay Isu hayaan Marxabayn iyo Maxabo Aan Gudhin oo Guumowday oo Gaammurtay, Ubadkoodu Waa Isugu Mid Xoolohoduna waa isku Xero, Waa dad is taakuleeya oo Tar iyo Taageeraba Isla garba-jooga, Keliya Waxaad Moodaysaa Hal-Guri, Waana Dad Aad Is odhanayso Somali Haday sida Xaafadan Ahaan lahayd Waxaynu Noqon lahayn Dad iyo Dawlad Dunida 1aad Tartarn la gala. Caqliga Somali Ka Lumay Ee Ay Waayeen Wuxuu Yaalaa Xaafadaasi. Qof kasta Waxay Ku soo dhaweeyaan Qalbi-Moogan Qabyaalada iyo Maan ka gaajaysan Qabiil is-Qolaysiga iyo Qaraabo-Kiilka, Xataa Dhulka, Iyo Guryaha iyaga ayaa Ku siinaya hadii Aad la degto, Lagamana Yaqaan Dhulkan Sida Xero-Gaalka Qof waliba Tallaabada Ootay, Wax keli lahaanshaha Si wada Jir ah ayaa Loo wada leeyahya hanti kasta, Hawl kastana Hal Si ayaa Loo wada qabsanayaa, Horumar kastana si wada jira ayay u wada Gaadhaan.
Waana Dad Qofka Xaafada Dariiqada Ah’ Uu u arkayo Qofka kalee Xaafada Dariiqada ah’ Xigtadiisa Iyo xigaalkii.
Hoy’ Hu Iyo Hunguriba Kama Wer-weraan Oo Iyaga Ayaa Is Gacan Qabta.

Waxbarashada, Caafimaadka, Biilsha, Iyo Sidoo kale Baahiyaha Asaasiga ah’ Ee Nolosha guud Ahaan, iyaga ayaa Iska Kafeeya’ Si Wadara, Oo Aan Waaxid Ahayn. Qof kastana Oo ku soo biira Waxay Siiyaan Hoy hu’ iyo Hunguri’ Waana Dad Aad isugu War iyo Wacaalo haya Qurbo-joog ilaa Qaran Joog.
Waana Bulsho Gaadhaya Kumanaan Qoys Oo ku kala Maqan Daafaha Dunida Halka keliya Ee ay kusoo Guryo Noqdaana Dalka Waa Deegaankooda Dariiqada Waayo uma Cuntamayso Deegaanada kale Maadama Ay yihiin Dad ka dhaqan duwan dadka kale Oo Dun-Wanaagsan, Waana Dad Isu qabta waxaanay Isu Qaban Kuwa Isku Qabiilka iyo isku Qudha ahi.

Waana Deegaanka keliya ee gayiga Somalidu Degto Min Tajoora Ilaa Tana-River, Ka xoraysan Qudhanka Qabyaalada.

Qalinkii: Fadxi Garaad Ciise
Cont: 252-63 4001631 Or aqoonyahanfadxi@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this