Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Baahiyay Goorta La Qabanaayo Imtixaanadka Shaqaalaha Dawladda Ee Gobolka Awdal

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa)Gudomiyaha Hay’ada Shaqalaha Somaliland Oo Shramake Gelle Ayaa Shaacaiyay Goorta Iyo Goobta Lagu Gali Doono Imtaxaanka Shaqo Ee Gobalka Awdal.
Wargelin: Goobta iyo Goorta Imtixaanka Shaqo ee Gobolka Awdal.

CFEB6ADA-6F3F-45F3-B12B-E857B7DCB8DA.jpe

-Waxaa maalintii Axada ahayd ee 02/12/2018 si habsami ah u soo xidhmay qabashada codsiyadii Shaqo ee Gobolka Awdal iyo guud ahaan-ba dalka halkaas oo ay dhalinyarada aqoonyahanka ahi ku tartami doonnaan Kaalmo Shaqo oo Hay’adaha Dawladda ka bannaanaday.

-Haddaba, tartanka ka qabsoomaya Gobolka Awdal Caasimadiisa Borama ayaa qabsoomi doonna maalinta Salaasada ee bari ah taariikhduna tahay 11/12/2018 Insha Allah

-Tartamayaasha ayaa ku tartami doonna 50-kaalmo Shaqo oo kamid ah kaalmihii Shaqo ee ku banaanaday hawl-qabadkii qaran ee diiwaan-gelinta Shaqaalaha Dawladda halkaas oo guulaystayaashu ka hawl-geli doonnaan Gobolka Awdal iyo hadii loo baahdo xarumaha dhexe

-Tartamayaasha waxaa lagu wargelinayaa in ay kasoo xaadiraan Hall-ka Jaamacadda Camuud “Campus” 8:00Am Subaxnimo ee maalinta Salaasada iyaga oo sita Shahaadooyinkii asalka ahaa “Original” ee ay Copy-giisa horay u soo xaraysteen iyo Aqoonsiga Muwaadinka Somaliland “Somaliland National ID Card”

Waxaan u rajaynayaa tartamayaasha guul iyo tartan hufan

Sharmaarke Axmed Muxumed Gelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this