Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo sheegay hal qodob oo sababay isbadal ku yimid go’aan la xiriira safaaradooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dhawaan dib ay u fureyso saafaradii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay dib u bilaabeyso dhaqdhaqaaqi diblomaasiyadeed  ee joogtada ahaa ee magaalada Muqdisho.

Go’aakaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii ay soo hagaagtay xaaladda Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay, waxaana ay horseedeysaa in Mareykanka ay dib safaaradooda kaga furtaan magaalada.

Heather Nauert oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa cadeysay in dib u furashada Safaaradooda ay keeneyso sii xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Waxay sidoo kale sheegtay in maamulka madaxweyne Trump uu ku kalsoon yahay in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka la wanaajiyo.

Mareykanka ayaa safaaraddiisa Muqdisho xiray waxii ka dambeeyay Sanadkii 1991kii, xiligaasi oo ay dhacday dowladdii dhexe dalkuna galay kala dambeyn la’aan.

Sidoo kale Mareykanka ayaa shaqaalahiisa diblomaasiyadeed iyo kuwa kale ee samafalka iyo muwaaddiniintiisa kala baxay Muqdisho sanadkii 1993dii markaas oo uu dhacay Weerarkii Black Howk Down, oo ay ku dhinteen kumanaan Soomaali ah iyo 18 Askari oo Mareykan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this