Dalmar1

Musuq maasuqa iyo Ceebaha ka soo Baxay Safarkii MW Farmajo.

Recommended Posts

Dalmar1   

Ceebaha ka soo Baxay  Safarkii MW Farmajo.

image.png.185b10d12f2e7cbf71ce92b79cc8ed55.png

 

Wuxuu safarkiisa ka bilaabay dalka Talyaaniga waana halka ay ka soo billowdeen ceebaha isdaba joogga ah ee hareeryey safarka MW Farmajo, wuxuuna safarkii ugu xumaa ee taariikhda Madaxweyne Somaliyeed soo mara.

Talyaniga

Cid kasta oo daawatay muuqaalkii soo dhaweynta MW Farmajo ee Roma waxay ka xumaatay inay soo dhaweeyeen Cabdinasir Solo, Maxamed Ismaciil-Ciyaaryan iyo Wariye Cagmadhige iyadoo qolka ay joogeen dhowr gabdhood oo qaraabada Farmajo u badan oo ay horkaceyay Gabar Shukri la yiraahdo. Dhinaca dawladda Talyaniga waxaa loo soo dirá oo soo dhoweeyey sarkaal hoose oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda oo garoonka Dayuuradaha ee uu ka dagay MW u qaabilsan hab maamuuska-Protocol officer.

Arrintaas MW Farmajo aad ayuu u dhibsaday waxaana la sheegay inuu si aad ah uga carooday, balsa MW waxaa uu illoobay inuu ahaa ninkii Farsama xumadaas ka taliyey wiilka uu adeerka u yahay ee uu jeebka ku wato Balal Cusman.

Waxaana xogtu ay leedahay in halkaas looga dhameystay MW Farmajo inuu dhulbadeedkeenna ay Kenya nagula dhegan tahay uu nus ka mid ah u saxeexay Kenya kadib markii ay gacanta kamaroojiyeen Amiirka Qatar iyo R/wasaaraha Talayaaniga oo ENI ka wakiil ahaa.

 

Turkiga

Dalka Turkiga waxaa loogu soo dhaweyey si Sharaf leh waayo qiimaha loo hayo Somaliya ayaa lagu maamuusay iyo kalgacalka uu MW Erdugan u qabao walaalaha Somaliyeed ee ma ahayn mid ka timid qiimo isaga loo hayo ama ummadda Turkiga uu ka kasbaday, bale Farmajo waa dilay xiriirka, hasa yeeshee madaxda Turkiga ayaa og inay ayaamo tirsan u hareen oo Somali daacad u dalkiisa uu talada la wareegi doono.

 

Ugandha

Dalka Ugandha oo nagu leh abaal weyn oo ka yimid kadib markii ay wiilsahooda ku dhinteen dalkeenna iyagoo difaacaya ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka sida aadka na looga qadariyo, balse MW Farmajo waxaa uu dilay qadarintaas, waxaanu dhulka lagalay sharfatii Madaxweyne Musaveni u hayey madaxda Somalida.

Markii qasriga madaxtooyada Ugandha lagu soo dhaweynayey Waxaa loo soo taagay gacan ah halkaas iga joog, eeg Sawirka halka RW itoobiya uu xabadka xabadka ugu xoqyey sidii uu yahay wiil waalidkii u soo iloobay ama oori saygeeda habsiineysa. MW Musafani waxaa uu Farmajo u sheegay inuu yahay ruuxa hoos u dhigaya abaalka ay Ugandha ku leedahay shacbiga Somaliyeed isla markaana uu wado qorsho ay ku shubeen Afawerki iyo Abiy oo ah in lagu badalo ciidanka Ugandha kuwa Erateriya iyo Itoobiya iyadoo  dalka Somaliya uu ku dhow yahayba inuu cagahiisa ku istaago haddii si fiican loogu hawl galo oo loo hogaamiyo.

image.png.4e0d97e66b0977f620fb21c73f1e8f67.png

Facshirtii iyo Ceebtii Garoonka Juomo Kenyaatta.

Tan ugh daran waxay ka dhacday Booqashada Dalka Kenya waxay  ay ka sii xumayd boqashadii iyo soo dhaweyntii Talyaniga waxaa loo soo diray inuu Madaxweynaheenna si Sharaf leh u soo dhaweeyo  guddoomiyaha degmada Nayrobi oo ah heerka ugu hooseeya ee madaxweyne Somaliyeed la gaarsiiyo. Waxaana halkaas ka cad in taariikhda Madaxweyne Farmajo iyo tan dalkaba uu dhaawac weyn halkaas ka soo gaaray. Waa Uhuru Kenyatta oo Eng. Yariisow loo diray inuu Garoonka  dayuuradaha ee Aden Cadde ku soo dhaweeyo.

image.png.18e315488eb1eabba59ec843dd7f6579.png

Arrinta Badda

Kenya waxaa lagu qabanayaa shir looga hadlayo wax loogu yeeray dhaqaalaha Buluuga ah oo a dhaqaalaha laga sameyn karo badaha. Laakiin dhibaatada Somaliya ugu jirtaa waxay tahay waxaa Rooma looga soo saxeexay MW Farmajo inuu nus dhulbadeedkeenna ah ku wareejiyo dalka Kenya oo waxaa uu shirka kadib laga rabaa inuu dhameystiro heshiiskii Roma oo ah hawshii Talyaaniga lagu soo bilaabay, waana nasiib xumo haddii dacwadda badda ee ay guusheedu soo muuqato uu maanta MW Farmajo ka galo hal daqiiqo oo waanwaan ah, waraaq uu qoro iska dhaafe,  waxay ku dhameyneysaa in la soo celiyo oo la yiraahdo dib ula noqda oo Somaliya iyo Kenya soo dhameysta.

image.png.05e94342dc735e24ba11819490455f5f.pngimage.png.26b6bbdc0c95c8a1c487e717bbec6f55.png

Isku soo duub MW Farmajo waxaa uu muuqdaa qof waqtigiisa uu dhammaaday oo xukunka ku asaasaqay. Bal ila dhageysta codkaan uu ku caynayo xildhibaanaddii isaga soo doortay ee guddiga Maaliyadda markii khald ay arkeen soo bandhigeen halkii uu ka amaani lahaa una hambalyeyn lahaa waxa uu ku tilmaamay kuwa careysan oo waalan. Tolow ma Madaxweynahaa waalan oo laba miirre ah misa xildhibaanadii is xilqaamay ee baaris xisaabeed ku sameeyey boobkii hantida qaranka, soona sheegay inay maqan tahay $42M?

 

Noolow Ma daale ayey Joogtaa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.