All Activity

This stream auto-updates     

  1. Today
  2. Sadly we are reverting back to the city State culture where Xammar is the country, and the country is Xamar. Dare I ask: Is there a single person from, say Jawhar or even Afgooye let alone the rest of the country?
  3. the old SNM guard speaking out, but fear it might be too late by now after decades of Qaaxo subversion.
  4. Dowlad iyo Dadka macaa xumaanta tageera wee kusoo labataa oo Kama nabad galaan. War hooy ka jooga, oo tariikdaa burburka ha laga cimri qaato.
  5. Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.Muumin Cabdi Shire oo ka hadlay kulanka Bulshada iyo booliska oo lagu qabta magaalada Garoowe ayaa sheegay in 70 ka tirsan ciidanka Puntland ay dileen kooxaha khamriga isticmaala. ” Labadii sano ee la soo 70 xubnood oo ka mid ah Ciidanka ayaa waxaa dilay cabtoy, Waxaan hadda ka shaqaynaynaa inaan wax ka beddelno mushaharaadka ciidanka”ayuu yiri Gen. Mumin Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland. Taliye Muumin ayaa sheegay inay tayeyn iyo dib u habayn kuwo ciidanka Booliska Puntland islamarkaana ay ka shaqaynayaan sidii xuuqaadka ciidanka kor loogu qaadi lahaa. PUNTLAND POST. The post “70 kamid ah ciidanka waxaa dilay Cabtoy” Gen.Muumin Cabdi Shire. appeared first on Puntland Post.
  6. Abdulqadir Ahmed Ibrahim is a prominent elder in Puntland Boosaaso (PP Editorial) — The First Level Court of Bosaaso issued arrest warrants for four elders, invoking sections 164 (a threat to society), 168 (reviewing conditions deemed to pose danger to society), 451 (defamation), and 454 (incitement) of the Somali Penal Code. These elders expressed political views on the controversial amendments to the provisional constitution of the Federal Republic of Somalia, which are at odds with the position of the Puntland State of Somalia. One of the elders, Abdulqadir Ahmed Ibrahim, called on President Hassan Sheikh Mohamud to convene a meeting to resolve differences with the Puntland State government. The arrest warrant issued by the First Level Court of Bosaaso to arrest three elders Open discussion on the political stalemate between the Federal Government and Puntland can provide opportunities to address points of disagreement. Although elders did not vote on the constitutional amendments—this responsibility fell on MPs and Senators from Puntland who did not face any sanctions—they are expected to maintain a neutral stance in Somalia’s quarrelsome political atmosphere. Furthermore, the Puntland State government did not contradict the position of the Federal Government of Somalia on sovereignty matters. President of Puntland State of Somalia Said Abdullahi Deni Given that Somalia lacks a fully accountable government, taking sides in political controversies without assessing the merits of each position until checks and balances are established at all levels of government often leads to the misuse of the Somali Penal Code. Elders play an instrumental role rather than a mandatory one in Somali politics. Any security response to their political comments should balance the desire to involve them in the selection of MPs and Senators who ratified the controversial amendments to the draft constitution. The misuse of the Somali Penal Code to suppress political dissent risks undermining citizens’ rights and stifling democratic discourse. © Puntland Post, 2024 The post The arbitrary application of the Somali Penal Code against Puntland elders is unacceptable appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Tansaaniya ee Daaru-salaam, halkaas oo xarun u ah Dallada Bulshada Bariga Afrika ee dhawaan ay ku biirtay Soomaaliya. Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la yeelan doona shir ku saabsan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal, taas oo ay ka mid tahay Dallada ay ku mideysan yihiin ee Bulshada Bariga Afrika oo dalka Tansaaniya ay ka mid ahaayeen dalalka doorka wanaagsan ka qaatay aqbalaadda codsiga Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya. Wafdiga Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin Daaru-salaam waxa ay kulammo la qaadan doonaan Madaxda dalkaas, iyagoo kala hadli doona xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, dardar-gelinta xubinnimada Soomaaliya ee Dallada Geeska Afrika, iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga. Source: goobjoog.com
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa dalbaneysa caanaha Geela, waxayna dalabkaas u soo gudbisay dowladda Kenya, sida uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Kenya, Dr Erick Rutto. Guddoomiyaha ayaa sheegay in sanadkiiba dalka Shiinahu dalbanaayo 9 milyan oo liitar oo caanaha Geela ah, Soomaalida Kenya ayaa si weyn u dhaqata Geela, iyagoo iib geeya caanihiisa. Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Kenya ayaa xusay in ay tani fursad weyn u tahay xoola dhaqatada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo ah gobolka ay Soomaalidu degto ee NFD. Guddoomiyaha ayaa cadeeyey in suuqaan diyaarsan ee lagu doonaayo caanaha Geela ay ka faa’iidaysa doonaan xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Waxuuna xusay in sanadkiiba lacag u dhan 5.2 Bilyan oo lacagta Kenya ah, una dhiganta lacag ku dhow 40 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah ay Soomaalida Geela dhaqata ka faa’iidi karaan suuqaan Shiinuhu soo bandhigay. Baahida caalamiga ah ee loo qabo wax soo saarka xoolaha ayaan korortay guud ahaanba caalamka, xoolo dhaqatada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayay tani u noqonaysaa suuq weyn oo muhiim ah oo dhaqaale badan ka macaashi karaan. ‘‘Dalabkaan ka imaaday Shiinaha waa albaab weyn oo khayr ah oo u furmay xoola dhaqatada Soomaalida ah ee gobolka Waqooyi Bari ku nool” ayuu yiri Dubad Cali Camey Guddoomiyaha Guddiga Suuqgeynta Xoolo dhaqatada Kenya oo BBC la hadlay. Iibka caanaha Geela ayaa ka noqday wax caan ah goobaha ganacsiga ee ku yaala dalka Kenya, iyagoo noqda mararka qaar wax baraha bulshada hadal hayn ka dhaliya, waxayna dadku aad u falanqeeyaan faa’iidooyinkooda. The post Shiinaha oo soo dalbaday malaayiin liitar oo caanaha Geela Soomaalida ah appeared first on Caasimada Online.
  9. Gabaygani sida magaciisa ka muuqda waxuu mudici ku yahay, la doodayaa, hogo tusaaleynayaa, qofkasta oo ay ka muuqdaan sifooyinkani, Eber iyo Madoorshe. Marka hore labadan erey waa isku macne oo hadii qof lagu tilmaansado waa dhaliil adag, waxaana loo jeedaa wax matare. (Eber = 0, Eber = Madoorshe, Madoorshe = Wax matare). Gabayga waxa lagu dhaliilayaa, tir-tirsiyayaa qofkasta oo ay ka muuqdaan sifooyinkan, waxayna u tilmaameysaa sifooyinka iyo dhaqamada togan ee ay tahay inuu ku bedelo kuwaas taban. Waxay si adag u weerareysaa inta ruugida cagaarka (jaadka) ku habsaantey iyo dhaqan xumada, af-xumada, karti xumada iyo weliba caafimaad xumada ay bulshada la dhex joogaan. Gebo-gebadana waxay sugaysaa/cadayneysaa ujeedada Alle koreeye adoomaha u abuurey iyo sida Eber iyo Madoorshe u moog yihiin. EBER & MADOORSHE (M.Shukri) ALAHAYAW ABUURKAAGA BADAN INIBA WAA NOOCE AMARDIIDO ANIGOON KA WADAN EREYADAAN QEEXI ANOON AWRANAAN FAANAHAYN EDEBI WAA DEEQE ANOO HUBA ASAAGAY IN BADAN INAAN KASOO IISHEY ANIGOON IRDHEYN IYO GALGALAD UUNKA WADA GAADHIN AFGOBAADSI ANIGOON KA TEGIN EREYGA XEERKIISA HAYEESHEE ABBAARTAAN U KACAY WAAN ILDUUF TIRIYE AAN KU SHIDO IFTIIN BADAN HAB AAN AAD U GARAN WAAYAY. OLOLAHA XAJIIMEYNTA IYO UURADIYO QIIQA AFLAGAADO WAA ABUR KA YIMI UUR CILADI TAALE ILBAXNIMO NINKII MOODAYOOW WAA AYAAN DARANE; INKASTOO ABAAL IYO TIXGELIN AWRRAN LAGU SOORO INKASTOO ARDAA AAD BILLAN OGOBE LOO GAAFO INKASTOO UDGOON IYO SHAXSHAXO LA ASHQARAARSIIYO INDHO XAASID KUMA DOOGSADAAN UBAXA DAYREEDE. AADMIGU WUXUU QOONSADAY KU ISTAREEXAANE ISHAARADASANBAY KU CABUDHAAN AMAL LA DHAWRAAYE UGBAAD WAY KU SHAASHOONAYAAN EGAN BARWAAQOODE UDUGIYO CARAFUHU WEY DHIBAAN UDO WALWAALKAASE AROOR KICIDDA, AWRAADSIGA IYO OOGIDDA ASHCAARTA ALLE MAHADINTUU NECEB YAHAY EEBE TUUGSIGA,E ASAAGII MARKUU LIBIN GUNTAA ARAMI SAAQDAAYE MARKAASUU ASLUUBTIYO XISHMADA OROD KU JIIDHAAYE AJO KAMA HAKADO DHUUNIRAAC AANO IYO CEEBE OORI DHAWRSAN UGAAS QARAN BOQRADEY CULIMO AWDIINKA ADOOMAHA FADLIGA DHEERIGA AH EEBE KARANSIIYEY EEGMADA JALEECADA HADAAD URUGO DAYMAATO OGAAL DALAB LEH IIMAAN CAWARAN ARAGTI GAABNAANTA UUGAAN HADAY KUGU RIDO AAHE LIBINTOODU OOD AMARKA MAWLAHU KU FARAY AAYAR DHUGAN WEYDO AKHLAAQDIYO HADII AAD DADNIMO OOBJAC KAGA BOODO ARAD IYO HADAAD QAAWANAAN UUNKA KULA MEERTO OO UBAXA SOO KORAYA IYO UBADKU KAA SHEEXO ALEYLKII HADAAD DADARTA JABAN AAD USII MIRATO OO AAD UNUUSH IYO ANAASH AAFO LA CAWEYSO INKAARUHU HADAY KU XERTAAN AAMIN KAA DHIMAYE, ILKO MIRIDH LEH UUS DOOG MUG DHABAN UDUBO FIIQFIIQAN OOMAAR INDHAA KAGA LINGAXAN SIDA UKULI WEYDA ORGOB IYO HADAAD DHIDAR SIDII AAD U BAHALAWDO OO AAD IBLEYS DHAQAN LA TAHAY WAA IBTILO DHAAFE HA AJEYNIN SAADADA WAJAAF MEEL XUN KULA AADYE. AFARTAASI WAA ARAR KU MUDAN AWRXUN IYO JIICE INAAN AAD SOO FAGO XASHIISH WAYGA EGGEGSOONE ILAAQ HADALKU IIGAMA TAGEE EREY KALAAN BAANAY. ISHA DOQONI WAXAY FIIRISAA AAD NINKII XIGA,E MARKAAD KABO USOO IIBISAY IILKA KUU QODIYE ARSAAQ DALABKA WIIL FAYTAYOO EEBE TALO SAARTAY OO AADAY BUURAHA INTUU AGABNA SII QAATAY OODAN IYO HALYEY DAW SHILALLAN EGGEN KA SEEREEYEY OO DHAGAX AMUUMA AH KA DHIGAY AAD WAX LALA YAABO IYO ALIF WAX MALE WAYS XIGAAN UURNA WADA QAADYE INTIFAACA NOLOSHAA MID GABAY MIDINA IIDAANYE UGAAS KACAYBA LIID BAA FADHIYA MEEL AGTIISA AHE IMTIXAAN LA QAADABA NINBAA OOGADA U KACA,E NINNA OODA LAGA GUURAYBUU KA AG CASAADAAYE ARDAYGII GUDBABA SAAQIDBAA UUBTA SII GALA,E IRMAANEEYE WAA QOODH TIRSIGA MAGACA AWR GAALE HAYEESHEE ABEER LAGUMA DARO UGUBKA QAALMOODE RAGII GEELA AAWAYSAN JIREY WAW ABTIRIYAANE AWOWGII SHANAAD IYO LIXAAD AABI LAGU SHEEGO AYAA LOOGU OOSHAA RATIGA AYRO IYO TIIRE MARKA DIRIRKA CAWLEED ONKODUU AGADA MAANSHEEYO ABAAHADU MARKAY TAAGAN TAHAY ARAGSAN XAWLKEEDU AFAR LABA HABEENBUU SIMAA AADKASTUU YAHAYE ABRAAC DHEGAYARAW WAA LAFDHABAR UDUBKA XOOLAAYE AARANKUU DHALIYO CAANAHAA LAGU ILWAADAAYE SUMAL KUMA AMBADO NAYLAHAY AYNI WADA YIINE WAXA LAGA ISHAARAA INTEY EDEGA JIIFAANE ABABKABA HORTIIBUU BAXAA AWRDHAL IYO MUUQE ADOOMUHUNA LABADAA WAJAY U ALKUMNAAYEENE AMINKAYNU JOOGNANA SIDAAS WAYS AG SOCOTAAYE NIMBAA HAWSHA ADAG LAGU XILAA LABA ILMAADEERE NINNA ADHIGA RAACIISA IYO OOSHA LAGU REEBYE ARRIN QARAN MA SOOREE RAGBAA LAGU OGAADAAYE RAGNA AQALKA HOOSKIISA IYO AGAHA SII JIIFYE OOGADIISA RUUX AANU DHIDID ABID KASOO FIIXIN AMAKAAGA DOOB AAN KASBIGA KU ISTIHAADAYNIN IIDHIIBTA IYO TUUGSIGAA AAD U KAAFIYA,E ABEER UU NIN LIHI DAAQSADUU KA AG GALUUBNAANE IBDAR BUU KA SUGAYAAN NINKALE OONTA UU CUNIYE ARAGTIDA WAX MIISAANTABUU IIN KU LEEYAHAYE MA ODOROSO HAWL MUDAN INUU AAD U FAAQIDO,E AFMIISHAARNIMAY KAGA GUDHIYO UUNKA KALA SOOCE MARKAY ABASO QIIQDUU DURDURO SOO ABRAAR KICIYE EEL MARKII LA BAANTABA FINBUU IGADH SALAAXAAYE UUBATADA NINBAYRLUU GASHAA AANO GACALKIIYE ORKA HOREBA WAXA UU MALGAA INA WALAALKIIYE ARDAMBUU XASUUSTAA MA KORE EEDA UU FALAYE IJAABADU MAREY XIDHANTAYBUU YAA ALLOW ODHANE WAXBA GABAYGU YUU ILA AFBIXIN AADNA YUU BADANE OOHOWDABA NIMAAN MAQAL KASEYN II CUG YAAN ODHANE AAN URURSHO DULUCDIISA MUDAN OBOCDA DHUUXIISA. ADOONIMMADU WAA QIIMUHUU AADMI LEEYAHAYE WAA UJEEDKA NOLOSHIISA GEBI LOO AGAASIMAYE WAA ABUURKA NUXURKIISA BILLAN LOO ABQAAL BIDAYE WAA IDLAADKA MEESHAY MURTIDU AADANAW TAHAYE WAA XIL AAN NIN OOFSADEY LA ARAG LAGANA EEGEYNE NINKA OOD KU TUURAA MAJEER LAGU EKEEYAAYE HAYEESHEE NINKII AAD U GABA UMALKU WEEYAANE EBER IYO MADOORSHAY TIXDANE AWRA LEEDAHAYE UUBATADA BAXAYSAY RABTAA INEY AJIIBAANE ASAAGIIN HALKUU SAHANSADAY EEGA LEEDAHAYE AMBAQAAD KALAAY DHAWRAYSAA INEY AFLAAXAANE OGOBEY GARWAAQSIGA DAMBIGU WAA INDHAA FURO’E ISTIQFAARKA WAXA LAGA HELAA AAWEY FARAWEYNE AMBIILBAA KA FURANBUU DULIGA EEBE LEE YAHAYE HAYEESHEE AMUUMAHA KA DEDAN EGEN BARWAAQOODE OROD IYO DEDAALBAY HURROW OOGSO LEEDAHAYE AWAARAHA KA TOOSBAY HURDOW KUGU AMRAYSAA. By Mohamed Shugri Jama Qaran News
  10. Political commentators forget the evolution of Somali regional politics. With FMSs beginning to crawl, FGS on its feet, if rather fragile, and SL's separatist agenda neutered, PL/Makhir is no longer concerned with the Somali project, as gone are the days of trying to constitute the nation state at its expense. It has since shifted its strategy to self-sustainability within the Somali context, whilst remaining on the periphery, and will continue strengthening its collaboration with SSC-Khatumo. It'll maintain alliance with JL, SW, and Hiran to charter their political direction. Let the FGS institutions function in Xamar. A warning to the Kacaanist crowd: let us not advocate for tyranny, and root for a corrupt leader just because we crave a stable, strong nation state. The two are not mutually exclusive.
  11. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maantay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo. Madaxweyne Laftagareen ayaa dib ugu laabtay maanta Baydhabo, iyadoo lafilayo in Qoor-Qoorna dib ugu laabto Dhuusa-Mareeb kadib markii uu qabsoomi waayey shirka madatasha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xassan Shiikh. Dawladda Federalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ayaa isku fahmi waayey galka doorashada oo madaxweyne Xassan Shiikh uu doonayo inaysan wax door ah ku yeelan halka dawlad gobaleedyadu ay doonayaan inay u madax banaanaadaan qabsashada doorashada. Shirka madasha ayaa qabsoomi waayay xiligii loo qorsheeyey, maqnaanshaha dawlad gobaleedyada qaarkood, iyadoo xalay Madaxweyne Xassan Sheekh soo saaray in uu diyaar u yahay wada hadal uu lagalo Puntland. PUNTLAND POST. The post Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo fashilmay iyo madaxda Dawlad goboleedyada oo deegaanadooda ku laabtay. appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing. Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray ka miro-dhalinta dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo xilligaan maraya marxalad xasaasi ah. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu Ergeyga kala hadlay qorshaha ay ciidamada qaranka ay mas’uuliyadda amniga dalka ugala wareegayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Kulanka Wasiirka iyo Ergeyga ayaa waxa kale oo lagu gorfeeyay muhiimada kaalinta Qaramada Midoobay ee taageerada dib u dhiska ciidamada iyo guud ahaan xasilloonida Soomaaliya. Marqo Catriona Laing oo dhawaan ka bixi doonta Soomaaliya kadib markii lasoo gaabiyay mudadii howl-galkeeda Muqdisho ayaa waxay sidoo kale maanta kulamo gaar gaar ah la yeelatay madaxda dowlad goboleedyada dalka. Kulamadan ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay oo ay Catriona Laing la yeelaneyso madax goboleedyada, waxaana u jeedkooda lagu sheegay sagootin, maadaama ay ka tageyso xafiiska. Catriona Lainga ayaa soo gaba-gabeynaysa hawsheeda bisha May ee sanadkaan, sida uu baahiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Bishii May ee sanadkii tegay ee 2023-ka unbay aheyd markii loo magacaabay xilkaan. The post Maxaa looga hadlay kulankii u dambeeyay ee wasiir Jaamac iyo Catriona Laing? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  13. Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan sagootin ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing. Wasiirka ayaa Ergeyga kala hadlay ka miro-dhalinta dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka Alshabaab iyo qorshaha ay ciidamada Qaranka ay mas’uuliyadda amniga dalka ugala wareegayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Sidoo kale, kulanka ayaa lagu gorfeeyay muhiimada kaalinta Qaramada Midoobay ee taageerada dib u dhiska Ciidamada iyo guud ahaan xasilloonida Soomaaliya. Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa la filayaa inay horraanta bisha may shaqada ka tagi doonto sida uu sheegay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  14. Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar ku qaaday saddex markab oo xamuul ah iyo markab dagaal oo Mareykanku leeyahay, waxayna tillaabadaa qaadeen muddo laba toddobaad gudohooda sida ay sheegtay kooxdan gacan saarka la leh iiraan. Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen maraakiib Maraykanka iyo Israa’iil leeyihiin, iyadoo xulafada reer galbeedka ee ku jira howl-galka gacanka Cadmeedna ay isku dayayeen inay maraakiibtaas difaacaan, balse waxay shaaciyeen inay weerarkaas ujeedadii ay ka lahaayeen ka gaareen. Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatariga kooxda, ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay goor in Xuutiyiinta ay garaaceen markabka xamuulka ah oo lagu magacaabo Maersk Yorktown marayay gacanka gacanka Cadmeed. Milateriga Maraykanka ayaa dhankooda xaqiijiyey in Xuutiyiintu ay gantaal ballistic ah la beegsadeen markabka marayay aagga badda cas, kaas oo uu ka babanayay calanka Maraykanku, isla markaana ay la socdeen 18 shaqaale oo Maraykan ah iyo afar u dhashay Giriigu. “Ma jiraan wax dhaawac ah ama waxyeello ah oo ay soo sheegeen Mareykanka, isbaheysiga, ama maraakiibta ganacsiga,” sidaa waxaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska dhexe ee Mareykanka ee (CENTCOM). Wasaaradda Difaaca ee Giriiga ayaa ayana sheegtay in mid ka mid ah maraakiibta militariga ee dalkaas oo ka tirsan howlgalka Midowga Yurub ee ka hortagga Xuutiyiinta ee ku sugan Badda Cas uu qabtay labo diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku soo wajahan markab ganacsi oo ka yimid Yemen. Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska ee (UKMTO) ayaa hore u xaqiijiyey dhacdo meel 72 meyl koonfur bari ka xigta dekedda Jabuuti ee gacanka Cadmeed. Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay taageerto dowladda Iiraan ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Qasa 7-dii bishii oktoobar sanadkii 2023 waxay weerarro beegsi ah ku hayeen maraakiibta Israa’iil xariirka la leh iyo kuwa reer galbeedka, ayadoo sheegay inay weeraradaasi jawaab u yihiin duullaanka gardarrada ah ee ay Israa’iil ku hayso Marinka Qasa. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  15. Who is going to challenge it somalia is mogadisuhu is somalia aslong as he holds tight on mogadishu he can do what ever he wants what can the pirates possibly do
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waa meesha laga qiimeeyo dowlad kasta oo fadhisa Villa Somalia. Amniga, dhaqaalaha, jaceylka bulshada iyo adeegyada dowladnimadaba waxay guud ahaan Soomaalida eegta magaalada Muqdisho. Haddii aanay arrimahaasi hagaagsaneyn micnaheedu waa waxba uma hagaagsana dowladda dhexe. Muqdisho waxaa maanta yaalla dhowr xaaladood oo amraya inuu isbeddel maamul yimaado, oo la helo duq magaalo oo arrimahaasi maareyn kara. Dhacdooyinka ugubka ah ee waayahan ka curtay magaalada Muqdisho iyo jawaab la’aanta maamulka gobolka Banaadir waqti badan kuma lumineyno, laakiin afartaan arrimood ee soo socota ayaa dhamaanteen na fahamsiinaya in aanay caasimada hureyn isbeddel maamul. 1. Xiisadda dhulalka ee u dhaxeysa dowladda dhexe iyo danyarta caasimadda Sabtidii Xamar waxay ku sigatay inay isku dhacaan booliska federaalka iyo dadka magaalada kadib markii uu booliska federaalka dalbaday in loo baneeyo dhul ay deganaan jirtay waaxda dab-demiska ee booliska dowladdii kacaanka. Amarka booliska federaalka iyo tallaabadoodaba wax tallo ay kuma laheyn maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu ahaa qofka laga rabay inuu qiimeeyo daruufta dadka meeshaas degan, la raadiyo deegaan, ka shaqeeyo inay xaaladdu si nabad ah ku dhamaato oo uu waqtina ka soo qaato booliska. Laakiin duqa magaalada waxba kuma darsan arrintaasi, wuxuuna kasoo qaaday in dadka la eryanayo aanayba ku nooleyn magaalada uu ka taliyo, taas oo dhalisay in hoggaamiye ka taliya gobol kale inuu arrintaas xalkeeda galo. Faddeexad weyn ayay taasi ku tahay maamulka gobolka Banaadir, dadka qaarse waxay leeyihiin faham darro maamul. Weli arrimaha dhulalka waa taagan yihiin, waana taagnaayen labadii sano ee u dambeysay. Haddii aan la helin hoggaan munaasab ku ah caasimadda oo leh faham uu ku xalin karo mushkiladaha deegaan ee Muqdisho ka jira, dowladda kama bixi doonto sumcad darrada ka haysata dhulalka danta guud iyo barakicinta danyarta. 2. Xiriirka shacabka iyo dowladda dhexe Iyada oo bisha soo aadan ay madaxweyne Xassan Sheekh u buuxsami doonto laba sano ayaa dhinaca kale waxaa si weyn usoo muuqaneysa inay dowladda naceyb kala kulmeyso bulshada caasimadda. Waxaa ugu wacan maareyn xumada dhacdooyinka maalinlaha ah iyo dadka Muqdisho degan oo aan helin wax adeeg dowladeed ah oo ay ku qanacsan yihii. Haddii dowladda Xamar laga jecel yahay waxay leedahay sawir shacbiyadeed, balse haddii dadka caasimadda nacaan hoggaanka dowladda dhexe waa cadeynta shacbiyad la’aan. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku qasban yahay inuu helo hoggaan hagaajin kara xiriirka dowladdiisa iyo shacabka Muqdisho degan oo badbaadin kara burburka sumcadeed ee kusocda dowladdiisa. 3. Burburka dhaqaalaha Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan dhaqaale xumo baahsan, waxaa istaagay iibkii dhulalka, waxaa yaraaday waxyaabaha la dhoofiyo iyo kuwa lasoo dajiyo, maciishada ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, waxaana magaalada ku yaraatay lacagtii wareegi jirtay. Dhaqaale xumo waa hal abuur xumo. Dadka barakaca ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa iyaguna sidii hore gurmad u helin. Majiro duq magaalo oo arrimahan saameyn kara maanta, maamulkuna wax fikrad ah kuma darsan sida wax looga qaban karo dhaqaale xumada ka taagan magaalada Muqdisho. Dhaqaale xumada waxay dhashaa amni xumo, si taas looga badbaado wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh u baahan yahay inuu helo duq magaalo oo keeni kara aragti dhaqaale oo lagu badbaadin karo burburka shaqaale ee ay wajaheyso caasimadda. 4. Maqaamka caasimadda iyo metalaada siyaasadda Labada sano ee soo aadan dalka wuxuu galaya marxalad doorasho. Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) mudadii uu xilkan hayay waa jiheyn waayay rabitaanka siyaasadeed ee dadka caasimadda. Muqdisho intaan kadib siima ahaan karto maqaam la’aan iyo metalaad la’aan. Waxaana dowladda dhexe u haboon inay keenaan hoggaan qaadi kara aragtida dadka caasimadda, Soomaali weyn iyo labada Aqal ee baarlamaankana uga soo dhicin kara xaqooda. The post MUQDISHO oo u baahan isbeddel maamul oo deg deg ah afar arrin dartood appeared first on Caasimada Online.
  17. Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad oo ku dhowaad 100 sano jir ah, ayaa lagu billaabay baaritaan musuq-maasuq oo ay ku lug leeyihiin labadiisa wiil, waxaa sidaas maanta sheegay guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka. Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa Malaysia (MACC) ayaa bishii Janaayo amray in wiilka curadka ah ee Mahathir, Mirzan Mahathir uu caddeeyo dhammaan hantidiisa gudaha iyo dibadda dalka, taasi oo qayb ka ah baaritaan la xiriira soo shaac-bixidii warqadaha sirta ah ee loo yaqaan Panama Papers. Madaxa MACC, Azam Baki ayaa maanta oo Khamiis ah weriyayaasha ugu sheegay gobolka waqooyi bari ee Kelantan in Mahathir sidoo kale la baarayo. “Waxaan rabaa inaan xaqiijiyo in isaga (Mahatir) uu ka mid yahay dadka la baarayo. Tani waxay daba socotaa baaritaan lagu sameeyay wiilashiisa,” ayuu ku yiri hadal laga baahiyey teleefishinka. “Labada wiil waxaa la siiyay ogeysiis ah inay caddeeyaan hantidooda,” ayuu raaciyey isaga oo diiday inuu bixiyo faah-faahin. Qof kaaliye u ah Mahathir ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin “in aan weli la soo saarin ogeysiis rasmi ah oo ka dhan ah Mahathir oo lagu wargelinayo ra’iisal wasaarihii hore wax baaritaan ah”. Mahathir, oo 98 jir ah, waa nin ay siyaasad ahaan xafiiltamaan, aadna u dhaleeceeya Ra’iisul Wasaare Anwar Ibrahim, oo xukunka qabtay 2022-kii isagoo wacad ku maray inuu meesha ka saari doono musuq-maasuqa heerka sare ah. Guddiga MACC ayaa sheegay inuu bishii August 2022 baaritaan ku billaabay “hay’ado lala xiriiriyey ama lagu xusay” Waraaqaha Pandora iyo Panama, kuwaas oo kashifay canshuur bixin ka dhuumashada maalqabeenada iyo dadka awoodda leh ee caalamka oo dhan. Bishii Febraayo, MACC waxay dacwad ku soo oogeen wasiirkii hore ee maaliyadda Daim Zainuddin iyo xaaskiisa sababo la xiriira inay ku guuldareysteen inay shaaciyaan hantidooda. Daim waa saaxiib aad ugu dhow Mahathir. The post Xogta baaritaan culus oo ku bilowday MAHATHIR MOHAMAD appeared first on Caasimada Online.
  18. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmahan ku sugan Magaalada Nairobi ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. Taliyaha Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeer ku tegay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, halkaasi uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda. Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ugu jirto la dagaallanka AL-SHABAAB Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaad ay xilli waliba diyaar u yihiin ka qaadashada Xoraynta dalka horumarka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  19. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay dowladda Soomaaliya soo saartay In ka badan 70 Alshabaab ah ayaa la gu diley, halka 30 kalena lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km, Waqooyina kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Xubnaha Alshabaabka ah ee la weeraray ayaa lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, halkaasoo ay isku aruursanayeen, islamarkaana abaabul ciidan ka wadeen sida lagu sheegay warka dowladdu soo saartay. “Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa weli ku raad-jooga Kontomeeyo Alshabaab ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan, iyada oo sidoo kale kooxdu aydaryeel u la’dahay dhaawacyada daran ay ka soo gaaray hawlgalka” ayaa lagu yiri bayaanka. Warka ay soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli ay howl-gallo xooggan oo kooxda shabaab lagula dagaalamayaahi ka socdaan goballo badan oo dalka kamida. Source: goobjoog.com
  20. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan shirka baarlamaanada dalalka Islaamka. Xoghayaha Guud ee Golaha aqalka sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa ka warbixiyay safarka Guddoomiyaha iyo wefdigiisa, wuxuuna sheegay inuu ka qeyb-galayo shir ay isugu imaanayaan Baarlamaanada dunida 26-28-ka bishan ka dhici doona dalkaasi Turkiga. Xoghayaha ayaa intaa ku daray inuu Guddoomiyuhu marti-qaad rasmi ah ka helay hoggaanka Baarlamaanka Turkiga, inta uu halkaa joogona uu kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda shirka ka soo qeyb-gaysa. Safarka Guddoomiyaha Cabdi Xaashi ayaa imaanaya maalin ka dib kolkii uu Guddoomiyaha golaha Shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) iyo wefdi uu hoggaaminayaahi ay gaareen isla dalkaas. Source: goobjoog.com
  21. The recent defence pact between Somalia and Turkey marks a significant step for regional security, focusing on land and maritime cooperation to bolster Somalia’s defence capabilities.While it symbolizes a move towards enhanced partnership, its immediate implications should be tempered. Turkey’s motivations lie in solidifying its role as a key security ally in sub-Saharan Africa, aiming to elevate its stature internationally and domestically. With plans to extend maritime training and potentially provide arms to Somalia, Turkey seeks to broaden its influence while aiding Somalia in projecting force in its territorial waters. For Somalia, hampered by limited capacity to police its maritime territories, the agreement offers a pathway to enhance its defence capabilities. By partnering with Turkey, Mogadishu aims to address challenges such as illegal fishing and piracy, ultimately asserting its authority over its territorial waters. Despite its significance, the pact’s impact may be constrained by its limited scope and capabilities offered. It does not signal the onset of broader regional alliances, despite recent diplomatic shifts such as the Ethiopia-Somaliland deal. Instead, it underscores the pursuit of national interests by regional actors. The agreement reflects the evolving dynamics of regional engagement, driven by Somalia, Ethiopia, and Somaliland’s pursuit of territorial sovereignty. While Turkey’s involvement is primarily opportunistic, focusing on short-term gains, it aligns with Somalia’s objectives of bolstering its defence capacities. Foreseeing a gradual realization of its strategic value, the pact emphasizes the long-term nature of regional security developments, devoid of immediate confrontational scenarios. Thus, while symbolically significant, the agreement represents one among many steps towards potential strategic outcomes in the distant future. Channel 16 Qaran News
  22. I think Xaaji (Habro in Mogadishu) and company and his inexperienced students from Damujadiid told him to have his cake and eat it. The state institutions are not as easy as making Qaad deals with Kenyans , it is more complicated.
  23. Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in bisha soo socota uu booqasho rasmi ah ku tego dalka Kenya, taas oo noqoneyso tii ugu horreysay oo uu ku tegayo dalkaas, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii. Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Korir SingOei oo hadal siiyay warbaahinta ayaa xaqiijiyay safarka ra’iisul wasaare Xamza oo la kulmi doono madaxda waddankaasi. Korir SingOei ayaa sidoo kale la kulmay xubno ka socday xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ay ka wada-hadlaan qorshaha safarkaas iyo xiriirka labada dowladood ee dariska ah. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ujeedka uu yahay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo kor loo qaado xasiloonida labada dal iyo guud ahaan gobolka. “Kenya iyo Soomaaliya waa deris wanaagsan, waxayna sii wadaan ka wada shaqaynta xoojinta xasiloonida labada dal iyo gobolka si loo helo barwaaqada wadajirka ah ee dadkeenna. Waxaan ka wada hadalnay booqasho rasmi ah oo uu dhawaan ku imaan doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.” Ayuu yiri Korir SingOei. Warrarka ayaa intaasi ku daraya in safarka Xamza uu ku saabsan yahay dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada waddan oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah. Waxaa sidoo kale qiimeyn lagu saameyn doonaa arrimaha duulimaadyada, ganacsiga, maalgashiga, kobcinta tayada adeegga bulshada iyo tacliinta sare ee labada dowladood. Booqashadan ayaa sidoo kale lagu aadiyay, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka, si kor loogu qaado ganacsiga. Horay madaxweyne Xasan Sheekh oo booqashooyin kala duwan ugu bixiyay magaalada Nairobi ayaa heshiis kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya, William Ruto. The post Xog: Ra’iisul wasaare XAMZA oo markii ugu horreysay tegaya KENYA + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  24. Mogadishu (HOL) — The Somali government has reinforced a policy prohibiting its agencies from conducting meetings outside the country. This announcement comes as Prime Minister Hamza Abdi Barre prepares for his first official visit to Kenya since taking office. Source: Hiiraan Online
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up