Sign in to follow this  
Mr.Faarax

Same dress- Ethiopia and T.F.G

Recommended Posts

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Tikreega ah ee kayimid Itoobiya oo isku Dress loo gelinayo.

 

 

 

Baydhabo, 23-July-06 ( Qaadisiya.com) Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadii Dhowaan soo gaaray Magaalada Baydhabo ee kayimid Dalka Itoobiya iyo Ciidamada C/llaahi Yuusuf ee horey ugu sugnaa halkaasi la bilaabay iminka in loo geliyo Dress isku nuuc ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Tikreega ah ayaa ka dambeysay in dress-kani ay isla qaataan kadib markii Shacbiga ku dhaqan Magaalada Baydhabo laga baqay in ay ugaarsadaan Ciidamadaasi Tigreega ah.

 

Qaadashada labiska isku mid ah oo ay qaadanayaan labadaasi Ciidan ayaa durba keenay dhibaatooyin hor leh iyadoo Habeenimadii xalayna lagu dhaawacay Magaalada Baydhabo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo taasi oo lasheegay in raggii dhaawacay ay ahaayeen kuwa sita Dress lamid ah kii ay siteen Ciidanka Dowladda, waxayna u maleeyeen Maleeshiyadii Guddoomiyaha Degmada Baydhabo kuwa iyaga kusoo wajahan taasi oo Ciidamada Itoobiyaanka ku dhalisay in ay rasaas ooda kaga qaadaan.

 

Dress-ka ay sitaan labada Ciidan ee kuwa Dowladda iyo Kuwa Tigreega ayaa ah Dress ay horey ugu deeqday Dowladda Federaalka Wadanka Yemen .

 

Arrintani dhibaatooyinka faraha badan u keeni karta Shacbi weynaha ku dhaqan Gobolka Baay ayaa waxaa ka dambeeyay fikradeeda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo doonaya in uu shacbiga ku indha xiro Dharka isku midka ah ee uu u qeybiyay Ciidamadiisa iyo kuwa Cadowga Soomaaliya ee Tikreega ah oo qorsheynaya Duulaan ka dhan ah Kacdoonka Shacab ee Muqdisho kajira ayna horkacayaan Golaha Maxaakimta Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this