Deeq A. Posted November 25, 2018 Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in ay is casileen maanta xubnihii ugu badnaa ee musharixiinta doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi u taagneyd. Musharixiintaan oo tiradooda ay gaareeyso ilaa 5 Musharax ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen u tartamida doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Musharixiinta ayaa shir ku yeeshay magaalada Baydhabo iyaga oo go’aankaasina gaaray iyaga oo is casilaadoodana ku sababeeyay faragalin ay ku heeyso dowlada Soomaaliya. Magacyada Musharixiinta is casilay. 1- Maxamed Aadan fargeeti 2- Yuusuf Macalin Baadiyoow 3- Saalax Sheekh cismaan 4- Xuseen Kacaan 5- Xasan Amiin Mid kamid ah musharixiintaasi oo la hadlay wariyaasha ayaa ka warbixiyay sababaha ay uga tanaasuleen in doorashadaasi ay ugu tartamaan. Hoos ka Dhageeyso Codka;- https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/musharixiintii-tanaasulay.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Musharixiintii ugu badnaa ee Koonfur Galbeed oo is casilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites