Deeq A. Posted November 25, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa lagu waramayaa in maqribnimadda Axad ay ku dishay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ruux la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda. Goobjoogayaal ayaa usoo tabiyay idaacadda Shabelle in dilka oo ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Maanabolyo, gaar ahaan afaafka hore ee masjidka Dhagawayne ay geysteen labo nin oo Bastoolada watay xili ay goobta ka baxsadeen. Hay’addaha nabad-gelyada Soomaaliya oo meesha ay wax ka dhaceen soo gaarey saacado kadib markii uu falka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaris ah, kuwaasi oo aanan la ogayn hadii cid lagu soo qabtay. Ma jiro cid sheegatay masuuliaydda dilkaan, kaasi oo imaanaya xili isgoysyadda caasimada lagu soo daabulay ciidamo badan, kuwaasi oo loogu talagalay inay sugaan nabad-gelyadda magaalo madaxda dalka. The post Koox hubeysan oo dil ka geystay degmada Shibis ee Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites