Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News– Maraykanka oo gabi ahaan joojiyey Mushaarkuu siin jiray Ciidamada Soomaalida ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   




Warar dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen maanta ayaa sheegay in Safiirka Cusub ee Maraykanka u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto uu kulankii uu maanta la qaatay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed abdulaahi Farmaajo ay ka wada hadleen Sababta uu durba Maraykanku u joojoyey Mushaarka Ciidamada Soomaalida ee Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay Safiirku wuu ka gaabsadey inuu sababeeyo Lacagta ay goosteen laakiin wuxuu xaqiibiyey in lacagta la jaray.

Maadaama uu Safiirku ku cusub yahay shaqada wuu ka gaabsadey inuu ka warbixiyo sababta ay Dowlada Maraykanku uay Mushaarka uga jareen Ciidamada Muqdisho.

Puntlandi.com
Muqdisho

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this