Deeq A. Posted November 9, 2018 Addis Ababa (Sh.M.Network) – Booliska ayaa ku dhawaaqay inay ka heleen Xabaal-wareedyo sohdinta kala qaybisa gobolka Soomaalida iyo Oromada ee hoostaga dowladda Federaalka ah ee Itoobiya. Hay’addaha nabad-gelyadda ayaa shaaciyay inay ku dadaalayaan sidii ay uheli lahaayeen magacyadda, jinsiyada iyo tafaasiil dheeri ah oo la xiriira meydadka laga soo saarey Xabaal-wareedyadda oo tiradoodu lagu sheegay in ka badan 200. Warbaahinta maxaliga ah ee wadanka ayaa ku warantay in ehelida Xabaal-wareedyadani ay kusoo aadeyso xili ay socoto dacwad ka dhan ah Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka, Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Ilay]. Cabdi Ilay ayaa loo haystaa inuu geystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana la filayaa inuu kasoo hor-muuqdo maxkamad si uu u wajaho cadaalada xili uu dhowr jeer la hor-geeyay. Madaxwaynihii hore ee degaanka ayaa ku eedaysan abaabulka Rabshado, isku dhacyo qowmiyadeed oo khasaaro dhaliyay iyo ku tagri fal awoodeed xili uu is-casilay bishii Agoosto ee sanadkaan 2018. Helitaanka xabaal-wareedyadda ayaa wajihi cusub u yeeli karta dacwada ka dhanka Cabdi Maxamed Cumar, kaasi oo dhinac isaga leexiyay dhamaan eedaynta loo haysto, inkasta oo dacwad-oogayaashu ku adkeysanayaa inuu dambiga galay. The post Xabaal-wareedyo laga helay sohdinta Oromada iyo Soomaalida appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites