Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha BFS Oo la kulmay xubno ka socday UNDP

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP iyo Xafiiska Siyaasada  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,waxa ayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin u diyaargarowga doorashooyinka soo socda ee uu dalka geli doono iyo hirgelinta shuruucda doorashooyinkaasi muhiimka u ah.

Waxyaabaha aadka looga hadlay waxaa ka mid ah maalgelinta geedi socodka doorashooyinka dalka ,qorshayaasha diiwaan gelinta cod bixiyaasha.

Kulanka ayaa sidoo kale inta uu socday waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah sidii Qaramada Midoobay ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo uga geysan laheyd doorashooyinka iyo shuruucda muhiimka u ah .

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdikariim Xaaji Buux ayaa sidoo kale sheegay in kullanka la iskula soo hadal qaaday arrinta dhammeystirka dastuurka dalka oo muhiim u ah doorashooyinka dalka ka dhici doona.

The post Guddoomiyaha BFS Oo la kulmay xubno ka socday UNDP appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this