Deeq A. Posted September 28, 2018 Muqdisho (Caasimada Online)-Hiigsiga, Himilada iyo Yoolka Muwaadinka Somaaliyeed waa helitaanka xorriyad iyo ehelnimo lagu soo dhaweeyo Gobal iyo Deegaan kasta ee Soomaaliyeed. Hargeysa waxaa lagu tilmaami jiray in ay ka run-sheegid badantahay Xamar, balse waayihii danbe waxa ay ka badisay Ciyaarta Turubka Siyaasada Xamar. Hargeysa ayaa maalmahaan soo dhaweysay, martina gelisay Halgamaa Galbidhagax oo sanad ka hor Xamar u gacan-gelisay Rajiimkii hore ee Tegreega. Soo dhaweynta iyo Casuumaadu waa arin mudan Ammaan iyo Bogaadin laakin waxaa isweydiin mudan: 1-Ma Halgan iyo Somaali Jaceel baa? Mise waa fariin Siyaasadeed oo ku socota Xamar? Mise Ictiraaf-doonkii ayaa la galay halkaas? 2-Ma Qalbidhagax ayaa ugu horeeya Muwaadin Soomaaleed oo lagu soo dhaweeyo Hargeysa oo ka baxsan reer Somaliland? Mise tegi karaa Soomaali kasta waqtiga uu rabo? 3-Maxaa Hargeysa loogu xiray Halgamayaasha; Abdimaalik Col-doon iyo Naciima Abwaan Qorane tegida Xamar? Hadiise Qalbidhagax uu berri Xamar tago isna Hargeysa ma xiraysaa?. 4-Imisa Halgame ONLF oo Qalbidhagax saaxibadiis ahaa ayey Hargeysa dhiibtay una gacan gelisey Rajiimkii Tigreega? Gormee iyana Hargeysa dib loogu soo dhaweyn-doonaa? 5-Haddii Barlamaanka iyo dadka Soomaaliyeed ee Xamar ka dhiidhiyeen dhiibistii Qalbidhagax lana xisaabtameen Xukuumada Xamar! Yaa kala xisaabtamaya xukuumada Hargeysa Halgamayaashii ay dhiibeen iyo kuwa maalin kasta lagu xirayo Hargeysa? 6-Haddii nidaamkii Tegreega ee dadka afduubi jiray, xiri jiray, ciqaabi jiray, caburin jiray; cadaalada lala tiigsanayo lana maxkamadeynayo! Kuwii caawin jiray ee Soomaalida ahaa yaa Maxkamadeynaya? Mise waa Tolka ayaa lagu difaacayaa? 7-Haddii Qalbidhagax iyo saaxibadii looga sii daayey Jeelashii Tegreega Halgankii walaalahood OROMO awgiis! In uu ka shaqeeyo Walaalnimada iyo Midnimada Somaaliya miyaa la gudboon? Si looga gudbo Somaali – Somaali kale dhiibaya, Jaajuusaya, kala qeybinaya! Mise waa leey dhiibay ayuu kaar Siyaasadeed ka dhiganayaa??? W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal) Share this post Link to post Share on other sites