Sign in to follow this  
Deeq A.

QARAX gaari xamuul ahaa looga gubay CIIDAMADA dalka Kenya oo ka dhacay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhoobleey (Caasimadda Online) – Khasaa lixaad leh ayaa ka dhashay qarax aad u xooggan oo ciidamo Kenyaan ah lagula beegsaday deegaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Dhoobleey ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan maanta baraqadii kolonyo katirsan ciidamada Melleteriga Kenya lagula beegsaday deegaan lagu magacaabo Taabto.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qarax aad u xooggan kadib ay arkeen qiic iyo Uuro madoow oo cirka isku shareeray.

Qaraxa ayaa haleelay gaari xamuul ah oo qeyb ka ahaa kolonyada ciidamada Melleteriga Kenya, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu burburiyay gaariga xamuulka ah ayna dhimasho iyo dhaawac noqdeen dhammaan ciidamadii gaariga saarnaa.

Xarakada Al Shabaab ayaa war kooban oo ay soo saartay ku xaqiijisay in ay qarax ku weerartay kolonyo iidamo Kenyaan ah balse faah faahin dheeri ah kama bixin khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhoobley
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this